Connect with us

somalilandtoday.com

Paraguay Iyo Israa’iil Oo Isku Maandhaafay Safaaradda Qudus

focus

Paraguay Iyo Israa’iil Oo Isku Maandhaafay Safaaradda Qudus

(SLT-Qudus)-Madaxweynaha cusub ee Paraguay ayaa ku dhawaaqay in safaaradda dalkii uu dib ugu celinayo magaalada Tel Aviv – saddex bilood uun ka dib markii loo raray magaalada Qudus.

Madaxweyne Mario Abdo Benítez oo la dhaariyay bishii hore ayaa sheegay in uu doonayo in uu gacan ka gaysto “in caddaalad iyo nabad waarta” laga gaaro Bariga Dhexe.

Israa’iil oo arrintaas ka jawaabaysana waxay sheegtay in ay albaabada isugu laabayso safaaraddii ay ku lahayd Paraguay.

Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ay si degdeg ah safaarad uga furanayaan dalka Koonfurta Ameerica ku yaalla.

Horacio Cartes (bidix) iyo Benjamin Netanyahu

AFP/GETTY IMAGES

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday dawladda Paraguay ay mugdi galisay calaaqaadkii labada dal.

Maxaa keenay safaarad raritaanka?

Madaxweynihii hore ee Paraguay Horacio Cartes ayaa go’aansaday in uu safaaradda Israa’iil raro bishii May, wax yar uun ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sidaas yeelay.

Markaas iyada ahna Abdo Benítez ayaa ahaa madaxweynaha la doortay, wuxuuna si cad u sheegay in uusan madaxweynaha xilka hayay ku waafaqsanayn go’aanka uu qaatay.

Trump ayaa bishi Diseembar ee 2017kii ku dhawaaqay in ay wax iska badaleen meeshii uu Maraykanku taagnaa, wuxuuna ku dhawaaqay in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Wuxuu sheegay “in tallaabada uu qaadayo uu u arkay in ay ku jirto masaaliixda dalka Maraykanka, iyo waliba siddii loo raadin lahaa nabad la dhex dhigo Israa’iil iyo Falastiin”.

Guatemala ayaa iyadana markaas sheegtay in iyaduna safaaraddeeda u wareejinayso Qudus, Jamhuuriyadda Czech ayaa iyaduna sheegtay in ay qunsuliyad maamuuseedkeedii dib uga furayso magaaaladaas barakaysan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top