Connect with us

somalilandtoday.com

“Hantida Ay Dawladu Leedahay Waanu Diiwaan Gelinaynaa Ciddii Sharci U Haysta….” Wasiir La Waydiiyay In La Diwaan-Galinayo Hantida Wasiiradii Siilaanyo

focus

“Hantida Ay Dawladu Leedahay Waanu Diiwaan Gelinaynaa Ciddii Sharci U Haysta….” Wasiir La Waydiiyay In La Diwaan-Galinayo Hantida Wasiiradii Siilaanyo

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryeynta Somaliland Cabdirashiid Maxamed Ducaale (Qambi) auyaa sheegay in ay wadi doonaan hawsha diiwaan gelinta hantida ma guurtada ah ee Somaliland.

Waxa kale oo uu shaaciyay in aanay jirin cid ay ilaa iminka duulaan ama yool ka dhigteen, hasayeeshee ay ka go’an tahay sidii ay diiwaan gelin buuxda ugu samayn lahaayeen Hantida Ma Guurtada ah ee Somaliland “Waxa aanu qaadnay hawl gal ku saabnsayd diiwaan gelinta, hantida ma guurtada ah ee dawladda oo uu ka mid yahay dhulka ku dhejisan Magaalooyinka iyo ka magaalada dhexdiisa ee banaan iyo wax alaale wixii uu hanta qaranku leeyahay ama ciidan ha lahaado ama boolis ha lahaadee.

Arrinkaas oo maanta ku 5 maalmood socday, waxa ka soo yeedhay warar badan, wararkaas kala jaadka ah ee ka soo yeedhay shacabka iyo dad masuuliyiin ah” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi Wasaaradda hawlaha guud cidnaba yool ka dhigan mayso, marka ugu horeysana wasaaradda hawlaha guud hadalkii aanu sheegnay iyo barnaamijkii aanu shaacinay wax noo dheeri ma jirto, cid gaar ah oo yool noo ahina ma jirto, dadka leh waar yaan cid gaar ah yool laga dhiganin oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani ilaahay danbigiisa ha dhaafee, waxa aan leeyahay ma jirto cid gaar ah oo aanu shiishka saaraynaa, hanta ay dawladi leedahay oo aanu ka tagaynaana ma jirto” ayuu yidhi

Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top