Connect with us

somalilandtoday.com

Diblomaasiyadii Gobalka Oo U Dheeliday Dhinaca Ereteriya, Djibouti Oo Banaan Joogta Iyo Farmaajo Oo U Muuqda Inuu Ka Leexday Jidkii Madaxweyne Geele

focus

Diblomaasiyadii Gobalka Oo U Dheeliday Dhinaca Ereteriya, Djibouti Oo Banaan Joogta Iyo Farmaajo Oo U Muuqda Inuu Ka Leexday Jidkii Madaxweyne Geele

(SLT-Hargeysa)-Markabkii ugu horeeyay ee ganacsi ee ay Itoobiya leedahay ayaa 20 sannadood markii u horaysay shalay si rasmi ah ugu xidhay dekedda Musawac ee dalka Ereteriya.

Markabka caanka ah ee “The Mekelle” oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay ku xidhanayay Djibouti, ayaa shalay markii uu gaadhay dekeddaas waxa ka dul babanayay labada calan ee Itoobiya iyo Ereteriya, waxaana markabkaas dekedda ku qaabilay Madaxweynaha Ereteriya iyo Raysalwasaaraha Itoobiya oo sugayay. Wuxuu ka yimid Sucuudiga, waxaanu 11,000 Zinc gayn doonaa dalka Shiinaha sida ay warbaahintu baahisay.

In Markabkaas caanka ah ee Itoobiya uu tago Ereteriya waxa ay muujinaysaa in ganacsigii Itoobiya ee u xidhnaa Djibouti uu hadda geedi u yahay dalka Ereteriya. Waa calaamad muujinaysa isbedelka ku yimid istaraajiyadii ganacsi ee gobalka Geeska Afrika.

Waxa maanta uu magaalada Asmara uu shir uga furmayaa madaxda dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya, waxaana Asmara ku sugan Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, waxaana shirkan qaban qaabisay dawladda Ereteriya, waxase shirkan u furmaya dalalka gobalka Geeska Afrika ka maqan Madaxweynaha Djibuoti Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay shirkan iyo ujeedadiisa waxaanu yidhi “Shirkan waxa uu gogol xaadh u yahay sidii la’isugu xidhi lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee waddamada gobolka oo dhan. Maadaama dunidu hadda u soo jeedsatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika, waxaa lagama-maarmaan ah in aan door mug leh ka qaadanno isbeddelka iyo horumarka dhaqaale ee ka socda gobolka. Somaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato doorkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.”

Shirarka noocan ahi waxay hore uga dhici jireen Djibouti oo qaban qaabin jirtay, waxaana ka maqnaan jirtay Ereteriya oo ku jirtay go’doon diblomaasiyadeed, laakiin maanta waxa shirkan qaban qaabisay Ereteriya waxaana ka maqan Djibouti. Tanina waa calaamad muujinaysa isbedel ku yimid diblomaasiyadii gobalka Geeska Afrika.

Madaxweynayaasha Soomaaliya oo ay siyaasadoodu ku xidhnaan jirtay Djibouti, ayaa madaxweynaha wakhtigan Mr. Farmaajo wuxuu u muuqdaa inuu u baydhay dhinaca ay u socoto dabaysha gobalka ka socotaa oo uu doonayo inuu la jaan qaado isbedelada socda, waxaana in Farmaajo markii labaad bilo gudahood booqdo Ereteriya ay Djibouti ku noqotay u qaadan waa’ iyo falaadh aanay filayn.

Bishii August markii uu booqashada ku tagay Djibouti, waxa suurtoobi weyday inay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Ereteriya wada jir u qabtaan shirjaraa’id oo astaan u noqon lahaa nay iska laab-xaadheen dareenkii ay Djibouti ka muujisay dalabkii uu Farmaajo Qaramada Midoobay u gudbiyay ee ahaa in Ereteriya laga qaado Cuna qabataynta.

Si kastaba ha ahaate, waxa ay diblomaasiyiintu dareensanyihiin inay socdaan isbedelo aan la filayn oo uu hormuud u yahay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanay ka sokow gobalka Geeska Afrika saamayn ku yeelan karaan bariga Afrika, waxaanay dadka siyaasadda iyo xidhiidhka caalamka falanqeeyaa aaminsanyihiin inay isbedeladan qayb ka yihiin quwado shisheeye oo doonaya inay adkeeyaan danahooda gobalka Geeska Afrika.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top