Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Booliska Kenya Oo Xidhay Ajaaniib Si Sharci-Darro Ah Ku Joogta Magaalada Nairobi

focus

Ciidammada Booliska Kenya Oo Xidhay Ajaaniib Si Sharci-Darro Ah Ku Joogta Magaalada Nairobi

(SLT-Nairobi)-Tiro ajaaniib ah oo aan la cayimin oo ka shaqeynayay Tv laga leeyahay wadanka shiinaha oo xafiiskiisa ku yaal magaalada Nairobi ee caasimada kenya ayaa  la xidhay iyada ooo kenya ay ka socoto howlgal ka dhan ah dad ka sharci darada ku jooga kenya.

Muuqaalo la baahiyay ayaa waxay muujinayeen ciidamo ka tirsan police-ka oo gacmaha ka haya shaqaalaha Tv-gaas oo xaruntiisa ay ku dhowdahay agagaarka Kilimani ee magalada Nairobi.

Mid ka mid ah shaqaalahan oo la hadlay Tv-ga maxaliga ah ee Citizen ee dalka kenya ayaa waxaa uu sheegay in arintaan ay saameyn ku yeelatay howlihii shaqo ee maalin laha ahaa.

Shaqaalahan ayaa waxaa police-ka uu weydiiyay in ay wataan deganaashaha kenya,balse ay ku fashilmeen taasi oo keentay in la xiro.

Tv-ga China Global Television Network oo laga leeyahay dalka shiinaha ayaa xafiiskiisa waxaa uu ku yaal magaalada Nairobi waxaana uu wararka ku baahiyaa luuqada Ingariiska.

Soomaali badan oo ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa waxay cabsi ay ku abuurtay howlgaladan ay bilwoday dowlada kenya walow ilaa iyo hada aysan Jirin howlgal ka dhacay xaafada Islii.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top