Connect with us

somalilandtoday.com

Waa Kuma Ninka Bedelaya Micheal Keating Ee Noqonaya Ergeyga Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya

focus

Waa Kuma Ninka Bedelaya Micheal Keating Ee Noqonaya Ergeyga Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya

(SLT-Hargeysa)-Qaramada Midoobay ayaa la sheegay in ay danjire cusub u soo magacwday Soomaaliya kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka danjiraha u fadhiya Soomaaliya QM Amb. Michael Keating.

Danjiraha cusub ee haatan shaqada la wareegaya ayaa u dhashay dalka Koonfur Afrika waxaana lagu magacaabaa Nicholas Haysom. Weli si rasmi ah looma shaacin magacaabista danjirahani cusub.

Danjiraha cusub Nicholas Haysom ayaa hore uga so shaqeeyay dalalka, Suudaan, Pakistan, iyo Koonfur Afrika. Waa 66 jir ku takhakhusay arrimaha dimuquraadiyada, dib u heshiisinta, iyo dawlad wanaagga.

Danjiraha xilka ka sii degaya haatan Michael Keating ayaa muddo xileedkiisu ahaa 2 sanno iyo badh.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top