Connect with us

somalilandtoday.com

Markabkii Ugu Horreeyey Ee Laga Leeyahay Itoobiya Oo 20 Sanno Kadib Ku Xidhay Dekedda Dalka Eritrea

focus

Markabkii Ugu Horreeyey Ee Laga Leeyahay Itoobiya Oo 20 Sanno Kadib Ku Xidhay Dekedda Dalka Eritrea

(SLT-Hargeysa)-Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa 20 sano kadib Maanta ku xidhay Dekedda Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wada-hadal la leh Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii July ee sannadkian kala saxeexdeen in la soo afjaro colaaddii dhex taalay labada dal, waxaana muuqda in Itoobiya iyo Eritrea ay sidii hore iskaga soo dhawaanayaan.

Booqashadan uu Abiy Ahmed ku tagay Asmara waxaa ay noqoneysaa tii labaad tan iyo markii ay kala saxeexdeen labada dowladood heshiiska.

Dagaalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa bilaabmay sanadkii 1998 isaga oo socday ilaa laga soo gaadho sanadkii 2000, waxaana uuu dagaalka galaaftay nolosha Kumannaan Kun oo dad ah kana kala tirsanaa labada dowladood.

Warka la xidhiidha Markabka Itoobiya leedahay eek u xidhay Dekedda Asmara, waxa baahisay Warbaahin xidhiidh la leh Dawladda Eratariya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top