Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Ingiriiska Oo Si Cajiib Ah U Tijaabinaya Aragga Wadeyaasha Baabuurta

focus

Booliska Ingiriiska Oo Si Cajiib Ah U Tijaabinaya Aragga Wadeyaasha Baabuurta

(SLT-London)-Darawaliinta markii ay booliska istaajiyaan ku guul darreysta iney lambarka taarikada gaariga ka akhriyaan masaafe dhan 20m (65ft), waxaa lagala noqon doonaa shatiga u fasaxaya iney gaadiidka kaxeeyaan.

Laama ammaanka ee dalka Ingiriiska ayaa billaabaya howl ka dhan ah dadka ay aragtidooda liidato ee sharciga u heysta iney baabuurta wadaan, waxaana si deg deg ah shatiga loogala noqonayaa darawalkii ka soo bixi waaya tijaabada booliska.

Saddex qeybood oo ka mid ah ciidamada booliska ayaa qorsheynaya iney fuliyaan tallaabadaas oo lagu tijaabinayo aragtida qof walba oo la istaajiyo isagoo waddada gaari ku wada.

Arrintaan ayaa looga gol leeyahay in wax looga qabto walaac muddooyinkaan soo badanayay oo ku saabsan darawaliin shaqeysa oo aan lahayn awood aragti oo ku filan.

Saraakiisha ayaa sheegaya in macluumaadkan la uruurinayo loo adeegsan doono sidii dadka loogu caddeyn lahaa shuruucda kaxeynta gaadiidka.

Waaxyaha ciidamada booliska ee howlgalkaan ka qeyb qaadanaya ayaa kala ah Thames Valley, Hampshire iyo West Midlands.

Masuuliyiinta ayaa laanta sharciyeynta shatiyada gaadiidka ka codsan doona in si deg deg ah kalsoonida loogala noqdo qof kasta oo loo arko inuu khatar galinayo naftiisa iyo tan dadka kaleba.

Shuruucda hadda jirta ayaa muujineysa in qofka fasaxa loo siinayo gaari wadista uu tijaabada indhaha maro xilliga ay u socoto wax barashada ficilka ah ee gaari kaxeynta.

Haddii xilligaas ka dib ay qofka soo wajahaan dhibaatooyin xagga aragtida ah waxay ahaan jirtay in si iskiis ah uu ugu war geliyo laanta sharciyeynta shatiyada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno DVLA.

Sgt Rob Heard oo wakiil ka ah laamaha booliska ee howlgalkaan billaabaya ayaa yiri: “Haddii uusan qofku awood u lahayn inuu arko calaamad digniin ah oo uu gaari shitay ama uusan si deg deg ah uga istaagi karin khatarta waxay taasi sababeysaa halis weyn.”

Wuxuu sarkaalkan ku gooddiyay in booliska ay tijaabadan ku sameyn doonaan “fursad walba oo ay helaan.”

Sannadkii 2013-ki ayaa la dhaqan galiyay sharciga shati kala noqoshada ee Cassie’s Law oo loogu magac daray wiil 16 jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Cassie McCord kaasoo dhintay ka dib markii nin 87 sano jir ah oo gaari waday uu lumiyay xakameynta isagoo maraya magaalada Colchester, Essex.

Maalmo ka dib xilligaas waxaa soo baxday inuu ninkaas ku guul darreystay tijaabo dhanka indhaha ah oo ay booliska ku sameeyeen, balse sharci ahaan waxaa loo oggolaa inuu sii kaxeyn karo gawaarida.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top