Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Xabsiga Ka Sii Daysay Xoghayaha Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

focus

Somaliland Oo Xabsiga Ka Sii Daysay Xoghayaha Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay maanta Cabdiqani Yaasiin Maxamed, xoghayihii Raysal wasaare ku xigeenka Sooomaaliya oo magaalada Hargeysa maalmihii u danbeyey ku xidhnaa. Wararka aanu helayno ayaa sheegay in Cabdiqani maalinta beri ah dib loogu celin doono magaalada Muqdisho oo uu hore uga yimid.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland oo hore wax looga weydiiyey xadhiga xoghayaha raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya waxa uu sheegay in uu sharci-darro ku soo galay Somaliland – Somalilandna aan laga ogeleyn in sharci darro lahi soo galo.

Cabdiqani Yaasiin ayaa ah dhallinyarada deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland waxna ku bartay magaalada Hargeysa bal se muddooyinki u danbeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top