Connect with us

somalilandtoday.com

Shiinaha Oo 60 Bilyan Oo Dollar Ugu Deeqay Dalalka Afrika

focus

Shiinaha Oo 60 Bilyan Oo Dollar Ugu Deeqay Dalalka Afrika

(SLT-Beijing)-Waxaa si rasmi ah magaalada Beijing uga furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 dal oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Wadanka Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxa uu ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasi oo ugu talagalay Afrika.

Sanduuqan oo loo qoondeeyey hindisayaasha horumarineed ee Afrika ayaa la filayaa in lagu fuliyo saddex sanno gudahood.

Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale.

Badi hindisayaasha horumar ee sanduuqan ayaa waxa lagu salaynayaa mashaariicda qaybta ka ah Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaale.

Qaybta horumarinta loogu talagalay ee sanduuqan waxaa kamid ah hindisayaasha isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, dekadaha iyo tabobarrada.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top