Connect with us

somalilandtoday.com

Beesha Caalamka Oo Cambaareysay Xariga Suxufiyiin Baadhayey Xasuuqa Muslimiinta Myanmar

focus

Beesha Caalamka Oo Cambaareysay Xariga Suxufiyiin Baadhayey Xasuuqa Muslimiinta Myanmar

(SLT-Myanmar)-Maxkamada dalka Burma (Myanmar) ayaa Isniintii shalay xabsi 7 sano ah ku xukuntay labo suxufi oo u shaqeenayey wakaalada wararka ee Reuters, kuwaasi oo baaritaan ku waday xasuuqa lagu wado muslimiinta dalkaasi ee Rohingya.


Labadan nin ee suxufiyiinta ah Wa-Lone iyo Kyaw-Soe, ayaa lagu eedeeyey in lagu qabtay qoraalo Sir Qaran ah, iyadoo xukunkan loo adeegsaday sharci Qarniyo kahor dalkaasi ay ku maamuli jireen gumeystayaasha. Hase yeeshee sababta loo xiray ayaa ahaa baaritaan ay ku wadeen in ka badan 10 nin oo muslimiin ah oo ay ciidamada militariga Burma dileen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo safiirada Maraykanka & EU-da oo qaarkood ku sugnaa maxkamada xukunkan ka dhacay ayaa si adag u cambaareeyey xariga suxufiyiintan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top