Connect with us

somalilandtoday.com

Saxafiyiin Reuters U Shaqaynayay Oo Myanmar Lagu Xukumay

focus

Saxafiyiin Reuters U Shaqaynayay Oo Myanmar Lagu Xukumay

(SLT-Myanmar)-Maxkamad ku taalla dalka Myanmar ayaa labo saxafi oo u shaqaynayay wakaaladda wararka ee Reuters ku xukuntay toddobo sano oo xabsi ah, iyaga oo loo haysto in ay meel uga dheceen sirta xukuumadda intii ay baaritaanka ku hayeen rabshadihii ka dhanka ahaa qawniyadd Rohingya ee Muslimiinta ah oo laga tiro badan yahay.

Wa Lone iyo Kyaw Soe Oo ayaa la xiray sannadkii hore iyaga oo wata dhokumantiyo rasmi ah oo ay booliis ka heleen.

Labadan saxafi ayaa xidhnaa tan iyo bishii Disembar.

Dacwaddan ayaa si wayn loogu arkaa in ay tijaabo u tahay xoriyadda saxaafadda ee dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top