Connect with us

somalilandtoday.com

Dhaaxaan Nin Hana-Qaad Is Biday Soo Hogaan Baraye ( Abdi-Shotaly)!

Articles

Dhaaxaan Nin Hana-Qaad Is Biday Soo Hogaan Baraye ( Abdi-Shotaly)!

Tixdan oo la yidhaaho “Baga-Baga Bulshooy” waxan ka tiriyey bayd-go’ii jeegaanta, oo la gaadhay wakhtigeeddii, , oo beelihii Kulmiye ku bahoobay, cidi aboodi isu gunteen, kuwaas oo imika dhabarka isu jeediyey.

Maah-Maah baa waxay ahayd ” Nin-ba tacabkii talooy kaa maal” , taas oo micna-heedu yahay, qof kastaa beerta uu beerto, ayuu midha-heedda gurtaa, sidaas awgeed tii jeegaan ahayd, oo gabal-keed dhacay, baan halkan idiinku soo ban dhigayaaye, ee akhristayaal, ku soo dhawaw waa tan tixdiiye:-

text-align: justify;”>
Waa baa beryo, waa Subax baxsane,
Beri hore kuwii, is bogaadin jirey,
Isku biirayee, anni ii balamay,
Inan bayd go’oo, badda laygu rido,
Waa kuwaa bushmii, budliyeen ilkuhu

Baga Baga Bulshooy, hays barato tani.
Baabaco timo leh, miyey soo baxeen,

Is bahaysiggii, bari iyo galbeed,
Isu boodaddii, Bahdda marya alool,
Iyo beretankii, baasha layska galay,
Labadays boqrady, u bahoobay ciil,
Beedkii jabyoo, Ugxantii bash tidhi,

Baga baga bulshooy, hays barato tani,
Baabaco timo leh, miyey soo baxeen,

Birmadkii naftay, isu bixin jireen,
Bidhaantoodda arag, isku boodi jirey,
Cadaw iila baxay, siddii lay bakalo,
Barbar iga mareen, bahal sidan ahoo,
Badh cunaaya ay, baaq isu direen,

Baga baga bulshooy, hays barato tani,
Baabaco timo leh, miyey soo baxeen,

Ma is tidhi beryaha, is budheeya oo,
Bilaawuhu adeeg, xinjiruhu burqade,
Baliggii Kulmiye, fadhiyeen biyuu,
Bakhaarkii hantidda, lagu biirin jirey ( Khasnaddii),
Dar baa baal ka gurey, lays badbaadin waa.

Baga baga bulshooy, hays barato tani,
Baabaco timo leh, miyey soo baxeen,

Ina Biixi saw, buus laguma odhan,
Meeyey Baashihii, saw lagama bilbilin,
Barqo lalama kicin, Ina Xaashi Buug,
Been lagu qoraa, uu bayaamiyoo,
Bushnahaaga xidho, basar loogu sheeg,

Baga baga bulshooy, hays barato tani,
Baabaco timo leh, miyey soo baxeen,

Badawggii il-baxay, hindi saw ma biqin,
Cali gurey barbaar, wuxu baafiyaba,
Ba’ ma waayin oo, hadal kama bixiyo,
Muu noqon bestii, mee bawdo gaab ( Maxamed Cumar),
Waa la baafiyaa, halkee buu ka baxay,

Baga baga bulshooy, hays barato tani,
Baabaco timo leh, miyey soo baxeen,

Mabuu baaluqine, Sacad baa la biday,
Nin buruud lahoo, wax bislayn karoo,
Orod oo ku buuq, kuma booriyaan.
Kama ridin boholo, jiifaan bahalo,
Kama cunin badhyii, baabah may ka dhigin.

Baga baga bulshooy, hays barato tani,
Baabaco timo leh, miyey soo baxeen,

Dacwaddii bil khayr, bushaaraan ku idhi,
Bogga hoose iyo, beer-kaba cunoo,
Maydhaq iyo boqnhaa, badarkii dhamaan,
Buushiyo hadhuudh, Isku baano’oo,
Duulkaa Baryadda, hadba boqon u tuur,

Baga baga bulshooy, hays barato tani,
Baabaco timo leh, miyey soo baxeen,

Baroortiyo naxliga, bar taadaa la la hurud,
Markaad baahatee, biixiyaha ku jaray,
Odayggii bidaar, baarkaw fidheen (Saleebaan ngaal)
Bah xabuusha’eey, Kaalay oo na bixi,
Beybey-sigaa, ba’a kuma farxaan,

Baga baga bulshooy, hays barato tani,
Baabaco timo leh, miyey soo baxee,

Markii la balmay, Nina maan baryine,
Waa taan bursday, is biimaynta galay,
Boogahaa ku dhigay, k aad ka baqa-naysee,
Bartaad taal hadeer, ka samyso buul,
Beer laxawsi daa, burbur kaagu kaw.

Baga baga bulshooy, hays barato tani,
Baabaco timo leh, miyey soo baxee,

Waxa la yidhi labadda xaq-darradda ku heshiiyaa, xaqa bay ku coloobaane,
nin baa laga hayaa ” Nabsi iyo Naqsaan Xeeriyaa, Waan Nujumiyaaye,
Nafta waxan u yaabaa, Markay Naago baridaaye”, uga jeedaa Kuwani,
ama hays-hayseen ama yaanay is haysane, mid-na dan uma hayo Somaliland,
ee ha laga tashado, qaar abdo leh maahee.

* N.B Beedkii Jabyoo, Ugxantii Bash Tidhi!
Abdi-shotaly,
ashotaly5@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top