Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Sacuudiga Oo Cambaareysay Weerar Ka Dhacay Muqdisho

focus

Dawladda Sacuudiga Oo Cambaareysay Weerar Ka Dhacay Muqdisho

(SLT-Riyadh)-Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Sacuudiga ayaa si kulul waxaa loogu cambaareeyey weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Waxaa qoraalkan tacsi loogu diray ehlada dadkii ku dhintey qaraxaasi, waxaana sidoo kale caafimaad loogu rajeeyey dadkii dhaawacmay.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay iney kasoo horjeeddo dhammaan noocyada kala duwan ee rabshadaha sida argagaxisada, xagjirnimada iyo wax walbo oo shacab aan waxbo galabsan lagu dhibaateynayo.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana ay sheegeen iney dileen dad badan oo u shaqeynayey dowladda.

Qaraxii shalay ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag ee Muqdisho waxay waxyeello kasoo gaartay dad u badan shacab.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top