Connect with us

somalilandtoday.com

Boqollaal Maxabiis Oo Ka Baxsaday Xabsi Ku Yaalla Liibiya

focus

Boqollaal Maxabiis Oo Ka Baxsaday Xabsi Ku Yaalla Liibiya

(SLT-Liibiya)-Booliska dalka Liibiya ayaa waxay sheegeen in 400 oo maxabuus ay ka baxsadeen xabsi ku yaallo caasimadda Tripoli.

Boolisku waxay intaa ku dareen iney macabiistu inay ka baxsadeen xabsiga Ain Zara iyada oo ay magaalada Tripoli dagaallo xooggan ku dhex marayaan dhinacya halkaasi isku hayo.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa waxay sheegtay iney ilaalada macabiista ay u baqeen iney macabiista waxyeello soo gaarto wax tallaabba ahna ay u qaadi wayeen.

Dowladda Liibiya oo garab ka heleyso qaramada midoobay ayaa waxay dalka ku soo rogtay xaalad degdeg ah si ay wax uga qabato dagaalka kooxaha hubeysan magaalada Tripoli ku dhex marayo.

Macabiista xabsiga Ain Zara ka baxsatay ayaa waxay ahaayeen kuwa laga soo qabtay sanadki 2011-ka Koonfurta Bari ee Tripoli, iyaga oo lagu soo eedeeyey iney taageerayeen hoggaamiyihi hore ee Libya Muammar Gaddafi, ayna geysteen dilal kala duwan.

Dad goob joog ah iyo shaqaalaha gurmadka ayaa waxay sheegeen hoobiyeyaal Axaddi lagu soo riday deegaan ay ku nool yihiin barakacayaal oo ku taallo magaalada Tripoli halkaasi oo ay dad badan ku dhaawacmeen,

Dagaallada maalmihi ugu dambeeyey kooxaha hubeysan ku dhex maraya magaalada Tripoli waxaa ku dhintay ugu yaraan 39 qof.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top