Connect with us

somalilandtoday.com

Isbaheysiga Sacuudiga Uu Hoggaamiyo Oo Qirtay Duqeyntii Lagu Laayay Caruurta Yemen

focus

Isbaheysiga Sacuudiga Uu Hoggaamiyo Oo Qirtay Duqeyntii Lagu Laayay Caruurta Yemen

(SLT-Riyadh)-Sacuudiga iyo imaaraadka ayaa qirtay in duqeyntii bus-ka iskuulka ee bishii la soo dhaafay ka dhacay wadanka yemen oo ay ku dhinteen 51 ruux oo 40 ka mid ah caruur ay caruur ahaayeen, uu ahaa mid cadaalad daro ah.

Kooxda xulufada sacuudiga ay u xil saareen baaritaanka ayaa maanta oo sabti ah sheegay in duqeyn 9-kii August ka dhacday gobolka sacda ay aheyd mid qaldan.

Mansour Ahmed al-Mansour, oo ah la taliye dhanka sharciga koox loo xilsaaray baadhitaankan ayaa sheegay in lala xisaabtami doono cidii ka danbeysay weerarkaasi.

Weerarkaan ayaa maalintii uu dhacay waxaa difaacay afhayeenka xulufada sacuudiga ee dagaalka Colonel Turki al-Malki uu difaacay waxaana uu sheegay in ay bartilmaamed sadeen fariisomo ciidan.

Baaritaankaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa kadib markii hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobay mr Antonio Guterres ay si wadajir ah u canbaareeyeen.

Sanadii la soo dhaafay ee 2017-dii ayaa qaramada midoobay sheegtay in duqeymaha xulufada sacuudiga ay badi sabab u yihiin.caruurta ku dhimaneysa colaada Yemen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top