Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Mareykanka Oo Dhaqaalaha Ka Jartay Hay’ad Taageerta Falastiyiniinta

focus

Dawladda Mareykanka Oo Dhaqaalaha Ka Jartay Hay’ad Taageerta Falastiyiniinta

(SLT-Washington)-Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu gebi ahaanaba hakinayo lacagta uu ugu deeqo hay’addaasi Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiyiniinta ee UNRWA.

Heather Nauert oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu qiimeyn ku sameeyay hay’addani isla markaana uu go’aansaday in lacag dheeraad ah aan loogu yaboohin mar dambe.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa Mareykanka waxa uu shaaciyay in uu xayirayo in kabadan kala bar dhaqaalaha uu siin jiray hay’addaasi.

Hay’adda UNRWA ayaa hadda taageerta in kabadan shan milyan oo qof oo ku nool guud ahaan gobolka bariga dhexe, waxa ayna gacan ka geysataa caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Mareykanka ayaa boqolkiiba soddon bixiya kharashka hay’addani ay ku hawlgasho, waxaana sanadkii 2016 uu siiyay kharash gaaraya 368 milyan oo doolar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in dalkiisu uu kordhin doono lacagaha deeqda ahi ee uu siiyo hay’addani maadaama ay dhaqaale xumo soo wajaheyso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top