Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Magaalada Amesterdam Oo Dhaawacay Nin Mindi Ku Weeraray Labo Qof.

focus

Booliska Magaalada Amesterdam Oo Dhaawacay Nin Mindi Ku Weeraray Labo Qof.

(SLT-Amsterdam)-Ciidamada Booliska magaalada Amsterdam dalka Holland ayaa toogtay oo dhaawacay nin ku hubeysan mindi oo labo ruux ku weeraray xarun laga raaco tareenada.

Illaa hadda lama oga in falkan uu la xiriiro argagaxiso balse Booliska ayaa sheegaya in wax walba laga filan karo in uu falkani la xiriiro balse ay baaritaan ku sameynayaan.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin cabsi kale oo dadka loogaga saarayo xarunta tareenka,balse waxaa la xirey labo boosteejo oo dadka laga saaray.

Labadii ruux ee ku dhaawacantay weerarkan ayaa la geeyay isbitaal halkaa oo lagu daweynayo, waxayna boolisku xireen qofkii ka dambeeyay weerarkan oo dhaawac ah.

Illaa 250,000 oo ruux ayaa maalin walba waxa ay ku safraan xaruntan uu weerarku ka dhacay iyadoo halkaa laga heli karo tareeno  aada garoonka diyaaradaha  ee  Schiphol Airport.

Maalinta Jimcahana waa mid ka mid ah maalmaha  ugu mashquulka badan leh ee xaruntan maadaama dad badan ay u imanayaan dalxiis maalmaha fasaxa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top