Connect with us

somalilandtoday.com

Muqdisho:Raysal Wasaare Khayre Oo Gurigiisa Ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh .

focus

Muqdisho:Raysal Wasaare Khayre Oo Gurigiisa Ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh .

(SLT-Muqdisho)Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa  hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.


Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu tagay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aheyd mid kedis ah, iyadoo kulan salaan iyo is marxabeyn kaddib laga soo qaaday sawirro ka muuqday dhoola cadeyn.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu talada dalka hayay, waxaa uu ahaa Madaxii Maaliyadda ee Ololihii doorashada Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa maanta markii uu dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay inuu safar ujeedadiisa tahay xog ogaalnimo uu ku tagi doono gobolada dalka.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in dib ugu soo laabashada Muqdisho ee Madaxweye Xasan Sheekh ay miisaan u yeeli doonto siyaasadda dalka.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top