Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Kililka Shanaad Ee Itoobiya Oo Ugu Bushareeyay Shacabka Inay Xor U Yihiin Inay Dhaliilaan.

focus

Madaxweynaha Kililka Shanaad Ee Itoobiya Oo Ugu Bushareeyay Shacabka Inay Xor U Yihiin Inay Dhaliilaan.

(SLT-Jigjiga)Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in uu ku dadaalayo qancinta qofkaste, balse haddii ay taasi suuragali waydo aan cidna loo qabsanaynin “xagxagashadiisa”.

Madaxweynaha ayaa barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray “Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneeyn”.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qabaa’illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub.

Waxaa jira walaac laga qabo in dadka qaar ay xoriyadda hadalka u isticmaalaan si aan munaasab ahayn.

“Tobankii sano ee la soo dhaafay way adkayd in aad aragto dhallinyaro is maan dhaafay oo is dagaalaya ama la kala qabanayo, balse hadda meelaha shaaha lagu cabo ee Jigjiga dhallinyaro lagu kala hayo ayaad arki” ayuu yiri Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo horay bare uga soo noqday Jaamacadda Haramaya ee dalka Itoobiya, haddana aad ugu dhuun duleela deegaanka maadaama oo uu ka shaqeeya arrimaha samafalka.

Madaxweynaha oo markii xilka loo soo xulay ka hadlaya in aan qofna laga aqbali doonin si xun u adeegsiga xoriyadda hadalka ayaa yiri “ Marka qawaaniinta caalamka iyo midka dalka Itoobiyaba la fiiriyo waa dambi in qof dhaho qabiil hebaloow qabiil hebal ku duul”.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top