Connect with us

somalilandtoday.com

War-baahinta Itoobiya Oo Faafisay Hababkii Ugu Layaabka Badnaa Ee Cabdi Ilay U Adeegsan Jiray Jidh-Dilka Iyo Cabsi Galinta Maxaabiista U Xidhan Arrimaha Siyaasadda

focus

War-baahinta Itoobiya Oo Faafisay Hababkii Ugu Layaabka Badnaa Ee Cabdi Ilay U Adeegsan Jiray Jidh-Dilka Iyo Cabsi Galinta Maxaabiista U Xidhan Arrimaha Siyaasadda

(SLT-Addis Ababa)-Kadib markii shalay markii ugu horraysay Maxkamadda la hor keenay Madaxweynihii dhawaan iska casilay xilka Madaxweyne ee Is-maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaanay Cabdi Ilay ayaa qaar ka mid ah warbaahinta waddanka Itoobiya sida weyn looga akhristaa ay baahiyeen maqaal ay kaga warramayaan qaababkii ugu layaabka badnaa ee Madaxweyne Ilay jidh-dilka iyo cabsi galinta u adeegsan jiray oo aanad rumaysan Karin qaarkood.

Warbixintan oo Wargeyska Foore ka soo xiganayo warbaahinta Itoobiya ayaa waxa ay daah-furaysaa marka laga tago jidh-dilkii ciidmadu gaar ahaan kuwa loo yaqaano Liyuu Boolisku u adeegsan jireen dadka la soo qabqabto ee xabsiga lagu guro ee loo haysto arrimo siyaasadeed in ay u adeegsan jireen oo kale arrin layaab leh oo dad badan oo ay ku dhacday mooyee in badan oo maqashay aanay rumaysan Karin, taasi oo ah in Libaaxyo, Shabeello iyo Waraabayaal ku jireen farsamada cabsi galinta iyo jidh dilka ah ee ay Maxaabiistu la kulmi jireen kuwaasi oo inta Maxbuuska la soo kaxeeyo Libaaxa, Shabeelka ama Waraabaha lagu baqdin galin jiray, qaarkoodna marka ay waxyeelo jidheed u gaystaan dib looga soo celin jiray oo goobaha ay ku xidhan yihiin lagu celin jiray arrinkaasi oo warbaahinta Itoobiya ku tilmaantay mid u muuqaal eg arrimo dadku kaliya ay ka arki jireen Filimada dadku daawadaan, gaar ahaan marka kooxaha gaangiska ahi ay dadka ku baqdin galiyaan xayawaano shabeelku ka mid yahay.

Marka laga yimaad noocyada Jidh-dilka ah sida garaacista, isticmaalka Korontada, biyaha wasakhaysan ee maxaabiista lagu dhex rido, figta iyo gaajaysiinta ayaa waxa dadka maxaabiista ah gaar ahaan kuwooda u xidhan arrimaha siyaasadda lagu ciqaabi jiray sida warbaahinta Itoobiya sheegayso in maxbuuska inta la soo qabto afka looga galiyo Xayawaano dad qaad ah oo shabaag ku xeraysan kuwaasi oo u miciyo lisanaya in ay cunaan dadka, kadib inta maxbuusta loo dhaweeyo marka xayawaankaasi ku soo boodo ee uu xagxagto kuna qayliyo isaga oo shabagga ay ku xeraysan yihiin aad loogu dhawaynayo ayaa dib looga celin jiray maxaabiista oo aanay nafi ku jirin cabsi darteed qaarkoodna ka muuqdaan dhaawacyo ay u gaysteen xayawaanadani waxaana ugu caansanaa xayawaanada Cabdi Ilay u adeegsan jiray arrintan Libaaxa, Shabeelka iyo Waraabaha.

Telefishanka Itoobiya ee EBC ayaa dorraad xabsi gurigii uu ku jiray Cabdi Maxamuud Cumar ka soo saaray kadibna u gudbiyey xabsiga isaga oo guriga uu ku sugnaa ay sidoo kale ka soo qaadeen qoryo noocoodu yahay Kalashnikov AK-47 iyo dhawr baastooladood, kadibna shalay maxkamadda markii ugu horraysay la hor keenay. Waxa ay tani ka dambaysay markii xeer Ilaaliyaha guud ee Itoobiya dalbaday dacwad ka dhan ah Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) oo mudadii uu xilka Maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya hayay laga tirsanayo gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu galay isaga iyo saraakiishiisii maamulka kula jirtay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top