Connect with us

somalilandtoday.com

Waalee Reer aan ogahay ma guuraan!W/Q Rashiid Sulub Caalin

Articles

Waalee Reer aan ogahay ma guuraan!W/Q Rashiid Sulub Caalin

Waxaynu badankeenu la socona in Guddi ka mid ah Baarlamaanka S/land ay dabo-gal ay ku hayaan Maalmahan danbe waxay ku sheegeyn Baadhisyo Musuqmaasuq lagula kacay Hantidda Qaranka ee Daw Xukuumadahii tan ka horeeyay,iyadoo ay isweydiini ka taagneyn hawlaha iyo xilka ay u hayaan dadweynaha ay Matalaan ee loo igmadey,oo ay taniba ay ka mid tahay,ayaa haddana waxa isweydiin leh Wakhtiga ay ku soo beegeyn Hawshan qarada-weyn leh,iyo Wkhatiga ay taagan yahiin iyo waxa looga fadhiyo.

Sidoo

kale waxa adduunweynuhu iyo Shicib Somaliland ay ogsoon yahiin,kana daaleyn,naceena Golahan sidii ay Dhaxal u heleen Kuraasta Meertada ah ee ay iska sii maansanayaan . iyagoo kasban oo garana waayay in idhaha dadkii soo doortay ay guudahaan Qalbigu ka xanuunayo Talo-xumadooda ay ka tagi layahiin oo ay fursad siin layahiin Dadii isku diyaarisay in ay badalaan oo sidii ay u sugayeen gaboobay oo niyad jabay.Waana halka soomalidu ka tidhaadho WEELEE REER AAN OGAHAY MA GUURAN oo macnaheeda la iska wada fahmi karo.
Haddaba, anigoo rumeysan in la marwalba iyo goorwalba la illaliyo oo Hareeraha la iska taago HANTIDA QARANKA oo Noqotay QAATEE QAADO in Raggii BOOBKAASI markuu dhacaayay dhexda ugu jiray ee Xukuumadihii Falalkaasi geesanaayay la odhan karo wey ku dhexmilmayn badankoodu ay akhiro Saacihii la rabay in ay meesha faaruqiyaan oo lagu kolo dareero la SOO BAXAY KAADHKII CASAA EE SIIDHIWALAHA KUBADDA CAGTA markii Ciyaartiiba dhamaatay ,taasina u arko Cimri dherer iyo sheeko CAANTEEN AH oo la laga iibsan doonin, Cayna ay ku tahay Maskaxdooda Bulshada ay waxaasi ula yimaadeyn.

Soomalidu baryahan danbe wax bey isku CAJIIMAANI,anigo oon marnaba aan u doodeyn,lana socon Raggaasi lagu soo eedeeyay BOOBKA Hantida Qaranka oo aaminsan Mahmaahda ah NINKII UURKA DABANA ALLE ARKAAYA,KII ISHA DABANA AADMIGA AYAA ARKAAYA oo ay inoo cadahay qofkii wax xada Maalinta YOWMALQIYAMAHA ISAGOO TUNKA KU SIDA AYA ALLEH HOR IMANAYAA, islamarkaasina aan YASEEN XILDHIBAANADANI HAWLAHII MUHIINKA AHAA AY UMMADDA REER S/LAND U QABTEEN INTII AY MEESHA JOOGAAN ayaa waxaan leeyahay TIME IS UP and it is time to go!!

Ugu danbeytii waxaan leeyhay Xildhibaandan iyo kuwo iman doona ee DARIIQOODA mari doona,waxa la idin ku soo dooratay Aqoon iyo kalsooni ummaddi idiin soo dooratay,In aad ku ASAASAQDAAN ADDUUN IYO KURSI JECEEL LA IDIIN KAMA FADHIYIN ee Asqada Cimri-dherersiga ka baxa,haddi kale waxaad noqon doontaan Ninkii waagii aanu yaryareen nalooga sheekeen jirey ee dhayalsdey Bulshadii uu ku dhex noola ee Maalin ku yidhi Riwaayad baan idiin dhigayaaye,isgoo Riwaayadba haynin, TIKIDHADA Riwaayadda goosta ee lacag badan sidaasi kaga urursadey,waa waagii Lixdamaadka horaantiise oo aad loo jeclaa Riwaayddaha,aya markii dadweynahii soo buuxiyaan Garoonkii ayuu Riwaatadii bilaabay,markuu isasoo hortaagay ayuu ku bilaabay WEYKAN,markaasa qosol loo dhacay,haddana marlabaad buu intuu DAAHI Stage ka soo baxay ayuu yidhi Haddana weykan, markaasa ad haddana loo qosley,lleen waa nin wax ka si yahiine, waxa uu ka dhamaan waayay HADDANA WEYKAN oo HADDANA WEYKAN,Markii sheekadiisii intaaba dhafiweydey aya la ogaadey in uusan ninka ba Riwaayada meesha ku heynin,oo Stagekii loogu fuulay oo dadkii ku soo qameyn oo ka yeelaan waxii la yidhi waa lagu kacay Kii riwaayadda wadey,waa sida ay yidhaadeen kuwii ka sheeken jirey iyagga iyo Allahoodee!.

F.G . Mooxeysiga ,Maqaaalkaygani wa ka dheeryahay,kana Saliim,Shakhsi Naceyb,Reereysi ,Iwm.

Rashid sulub Caalin

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top