Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May Oo Nairobi Ka Sheegtay In Soomaaliya Siinayaan £92 Milyan

focus

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May Oo Nairobi Ka Sheegtay In Soomaaliya Siinayaan £92 Milyan

(SLT-Nairobi)-Theresa May, Raysal wasaaraha Ingiriiska oo maanta booqasho ku timid dalka Kenya ayaa halkaasi ka sheegtay lacago ay UK siin-doonto dalka Soomaaliya.

May waxaa ay Soomaaliya horay ugu soo qaaddey £7 million($9.1 million) oo lagu maal-gelinayo howl-galka AMISOM, waxaa wehliya £60 million oo wax looga qaban-doono arrimaha banii’aadnimada iyo £25 million oo ah taageero toos ah oo la siin-doonno dowladda federalka ah.

May, waxaa ay booqatay xarun ay ku jiraan ciidamada UK oo ku taallo Nairobi, ciidamadan oo tababar siiya kuwa Soomaaliya sida loo furfuro qarxa.

Kenytta oo hlkaasika Hadley waxaa uu yiri “Waxaan wadaagnaa dimoqoraadiyad, waxaan u baahannahay in aan difaacanno, cadawgeenna sida argigixisada waa in aan si wadajir ah ula dagaalno”

Theresa May, oo iyadana hadashay waxaa ay sheegtay in Kenyatta uu sheegay in ciidamada nabad ilaalinta laga saaro Soomaaliya oo ciidamada Soomaalida amiga la wareegaan, arrintaasna uu sidoo kale Ingiriiska rabo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top