Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May Oo Bookhanaysa Dalka Kenya

focus

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May Oo Bookhanaysa Dalka Kenya

(SLT-Nairobi)-Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May ayaa booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Kenya 30 kadib markii ay booqasho tan la mid ah ay ku tagtay Margaret Thatcher.

Mrs May ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta iyadoo ay la socotay diyaarada Royal Air Force Voyager oo ka soo duushay magaalada Logos dalka Nigeria.

Wafdiga ay hogaaminayso Theresa May ayaa waxaa ka mid ah ganacsato iyo maalgeliyaal kuwaasoo doonaya in ay maalgelin ku sameeyaan Bariga Afrika.

Waxaa lagu wadaa in si wadajir ah ay u qabtaan shir jaraa’id Madaxweynaha Kenya Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaare May.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top