Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Dilay Haweeney Soomaali Ah Oo Xabsi Lagu Xukumay

focus

Nin Dilay Haweeney Soomaali Ah Oo Xabsi Lagu Xukumay

(SLT-Qaahira)-Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa ka soo hormuuqday Nin Masaari ah oo la sheegay in sanadkii 2016-kii uu dilay haweeney Soomaali ah oo qaxooti ku aheyd dalkaasi.

Qofkan maxkamadu xukunka ku riday ayaa lagu warramayaa in uu weerar ku qaaday gurigii ay degeneyd haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Xamda Maxamed Xassan, isaga oo dilkeeda u adeegsaday kuna shubay biyo kulul.

Maxkamada ayaa gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Jabriil Khasaal waxaa ay ku xukuntay xabsi dhan 10 sano oo xariga ah kaddib dacwad soctay ku dhawaad labo sanadood.

Marka laga soot ago xukunka lagu riday gacan ku dhiiglahan, sidoo kale waxaa cadaallad sugaya carruurtii ay ka tagtay haweeneyd la dilay oo ka doonaya dowladda Masar in ay helaan magdhaw.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top