Connect with us

somalilandtoday.com

Ma Taqaanaa Cidda Gacanta Ku Haysa Furaha Kacbada Barakaysan Iyo Ciddii U Dhiibtay

focus

Ma Taqaanaa Cidda Gacanta Ku Haysa Furaha Kacbada Barakaysan Iyo Ciddii U Dhiibtay

(SLT-Makka)-Furaha Kacbada Barakeysan ayaa ah mid ay gacanta ku hayaan dad gaar ah oo uu Nabi Muxamed NNKHA u dhiibay, waxaana loo yaqaanaa dadkaasi gacanta ku haya furaha Kacbada Sudnat Al-Kacba.

Sudnat Al Kacba waa Qoys uu Nabi Muxamed NNKHA u dhiibay Furaha Kacbada waxaana qoyskaasi ay ka soo jeedaan Banu Shayba, furaha kacbada ayaa waxay gacanta ku hayaan muddo 16 qarni ah.

Reer Banu Shayba oo haatan loo yaqaano Aal-Shayba ayaa waxay tafiir ahaan ka soo jeedaan Qusay Bin Kilaab Bib Murra, Qoyskii Qusay Bin Kilaab ayaa gacanta ku hayn jiray Furaha Kacbada Islaamka ka hor.

Nabi Muxamed NNKHA Furaha Kacbada qoyskaasi gacantooda ku soo celiyay Furashadii Makka kadib, Al-sudna oo ah magaca loo yaqaano qoyskaasi soo kala dhaxlayey furaha kacbada 16 kaasi Qarni, taasoo macnaheedu yahay “Ilaalinta iyo daryeelka Kacbada barakeysan iyo ka war haynteeda marka la furo ilaa iyo marka la xidhayo iyo sidoo kale nadaafada Kacbada”.

Qoyskaasi ayaa sidoo kale had iyo jeer ka shaqeeya meydhista Kacbada waxaana kacbada la meydhaa laba jeer sanadkii labadaasi jeer oo kala ah kowda Bisha Shacbaan iyo 15ka bisha Muxaram.

Furaha kacbadu waxa uu ka samaysan yahay Bir waxaanu dhererkiisu yahay 35 Cm, furaha Kacbada ayaa haatan waxa uu Gacanta ugu jiraa Abdulqaadir Al-shaybi oo sanadkii 2013 kii la wareegay waxaana xilligaasi ku wareejiyay Amiirka Makka, Kacbada ayaa sidoo kale waxay leedahay Laba Muftaax oo Dahab saafiya ka samaysan oo yaalla Magaalada Riyad ee Magaala Madaxda Dalkaasi Sucuudiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top