Connect with us

somalilandtoday.com

kaftanka maanta,shilka labba baabuur ‘’…W/Q Axmednur Guruje

Articles

kaftanka maanta,shilka labba baabuur ‘’…W/Q Axmednur Guruje

Waa labba baabuur oo mid noociisu yahey land cruiser siible ah ,oo aan lahayn biriig ,steering,laydh iyo dareewal toona ,waxaana laggu soo istaadhay kaashad la isku talaalay waayaradiisa dabka ka hor intaan dalcadda lagga soo taraarin.

Baabuurkaasi malaha dareewal hassa yeeshee shofeero badan ayaa shookaanta aan shaqaynayn midiba dhinac haystaa ,isagoo xawaare sarre ku socda ayaanu laamigga labaddiisa Haad si xoriyadda isaga leedaynayaa ,nasiib wanaag se hoonka ayaa u shaqaynaya oo

qaylinaya .
Baabuurka kale waa baabuur cusub oo ah land cruiser vx ah ,wax ciladana aan lahayn,waxaanu ku socdaa xawaare sarre haadkiisa isagoo haadka kalena marar u leexanaya si uu godadka uga baydho .
Imika labaddii baabuur way isu muuqdaan ,baabuurka horre hoonka ayuu yeedhinayaa, kaantaroola maleh ,hassa yeeshee dareewalkii baabuurka kale weli muuqaadan go aan waxaana ku adkaatay wuxuu samayn lahaa .
Hadal waxa ugu danbaysay haadkaygii baan ku jiraa ,liisankii dareewalka waan haystaa , haadkii kale maan gelin ,baabuurka iyo liisankayguba way cashuuran yihiin ,waddo Maristina muraayada ayay iigu dhegen tahey .
Baabuurkii kale na hoonkuu ayuu soo tumayaa ,isagoo mar na wadada ka baxaya marna kusoo noqonaya .
Labadaa baabuur in la kala bad baadiyo shilkooda inta aanay isku dhicin ,iyo in gartoodda lasii qaado oo lasii cadeeyo ka qaladka yeelan doona haday isku dhacaan ayaana la isku hayaa .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top