Connect with us

somalilandtoday.com

Ingiriiska Oo Warbaahintooda U Diiday In Lagu Ammaano Sacuudiga

focus

Ingiriiska Oo Warbaahintooda U Diiday In Lagu Ammaano Sacuudiga

(SLT-London)-Waaxda sharciyeynta howlaha warbaahinta ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in xayeysiin ka baxda telefishinka oo uu leeyahay sacuudiga ay jabineyso xeerarka ay u dajisay xayeysiimaha.

Xayeysiintaas oo ka baxda TV-ga Sky 1, ayaa lagu xusay hiigsiga 2030-ka uu damacsanyahay Sacuudiga, waxaana lagu soo bandhigay sawirro muujinaya haween gawaari kaxeynaya iyo furitaanka shaneemooyin filimada lagu daawado.

Hase ahaatee waaxda sharciyeynta howlaha saxaafadda ee Ingiriiska oo lagu magacaabo Ofcom ayaa sheegtay in xayeysiintaas lagu buun buuninayo isbaddallada iyo xiriirka u dhexeeya sacudiga iyo Ingiriiska, balse aan dhag jalaq loo siinnin “sida weyn ee ay shacabka uga soo hor jeedaan” arrimahaas.

Ofcom ayaan wax ganaax ah ku soo rogin shirkadda iska leh xayeysiinta, hase ahaatee waxay telefishinka Sky ku amartay in uusan mar dambe ku soo celinin muuqaalkaasi.

Xayeysiintaas halka daqiiqo ah ayaa hawada soo gashay bishii Maarso, xilli uu dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman ku wajahnaa dalka Ingiriiska.

Waxaa ku dhex jira xayeysiintan muuqaallo lagu arkayo bulshada sacuudiga waxaana qof codeynaya uu leeyahay: “arrimaha sacuudiga waxay isku baddalayaan si aan shaki lahayn… arrintaan waxaa qeyb ka ah dalalka iskaashiga uu kala dhexeeyo Sacuudiga waxaana ugu weyn boqortooyada Ingiriiska.”

Ofcom ayaa sheegtay in ay eegtay in xayeysiinta ay ku jireen arrimo ku saabsan “adeegga shacabka” sida, tusaale ahaan kuwa ay dowladda Ingiriiska u adeegsato ololeyaasha dhinaca caafimaadka ama nabad galyada waddooyinka balse ay ka weysay.

Warbixinta ay Ofcom soo saartay ayaa lagu soo gaba gabeeyay: “Sida ay u aragto Ofcom, ujeeddada ugu muhiimsan ee xayeysiintan waa in lagu ammaano boqortooyada Sacuudiga.”

Waxay sidoo kale waaxdan sheegtay in ay tixgalisay sida ay arrimahaan carada uga muujinayaan shacabka dalkaas maadaama laga dareemayo dhanka warbaahinta.

Waxay tusaale ahaan u soo qaadatay war horay uga baxay telefishinka Sky oo lagu sheegay in booqashada amiirka aysan noqon doonin mid aan lahayn cambaareyn iyo mudaharaadyo looga soo hor jeedo.

Xayeysiintaas ayaa lacagteeda waxaa bixisay wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka ee dalka Sacudiga.

Horraantii sannadkaan ayuu Mohammed bin Salman shaaca ka qaaday isbaddallo waaweyn oo uu ka sameyn doono dalka sacuudiga.

Intii uu dhaxal sugaha ku guda jiray booqashadii uu ku tagay Ingiriiska waxaa waddooyinka lagu dhajiyay, qaar ka mid ah wargeysyadana lagu daabacay hal ku dhigyo lagu ammaanayo Sacuudiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top