Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Argentina Oo Dalbatay In Lala Soo Gaadho 50 Bilyan Oo Dayn Ah

focus

Dawladda Argentina Oo Dalbatay In Lala Soo Gaadho 50 Bilyan Oo Dayn Ah

(SLT-Argentina)-Dawladda Argentina ayaa si aan la filaynin u dalbatay in durba loo soo fasaxo 50 bilyan oo doolar oo dayn ah oo ay ka rabto Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyada oo bartanka kaga jirta dhaqaalaha sii koraya ee dalkaas.

Madxweyne Mauricio Macri ayaa sheegay in tallaabadaas looga golleeyahay in lagu soo celiyo kalsoonidii dhaqaalaha Argentina.

Lacagta dalka Argentine ayaa 40% qiimo beeshay marka lagu sarrifayo doolarka dalka Maraykanka, sicir bararka ayaana cirka isku shareeray.

Hay’adda lacagta Adduunka ayaa Arbacadii xaqiijisay in ay eegayso sidii ay u xoojin lahayd wax la qabashada dalkaas iyo wax ka badalidda qaabkii ay u wajahaysay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top