Connect with us

somalilandtoday.com

Khilaaf Cakiran Oo Ka Taaggan Wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera, Guddidii Madaxweynuhu u Xil-saarey Iyo Ganacsatada Oo Shir Ku Kala Kacay

focus

Khilaaf Cakiran Oo Ka Taaggan Wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera, Guddidii Madaxweynuhu u Xil-saarey Iyo Ganacsatada Oo Shir Ku Kala Kacay

Ganacsatada Gacanta Ku Haysay Maamulka Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo Cuskadey Qodob Ka Mid ah Heshiiskii ay Hore u La Gashay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(Somalilandtoday)-Khilaaf xooggan ayaa weli ka taaggan wareejinta maamulka Haamaha kaydka shidaalka ee magaalada Berbera oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu wareegto ku soo saaray in Xukuumaddiisu ay dib u la soo noqotay Haamahaasi oo markii hore dawladdii Siilaanyo ay ku wareejisay shrkadda BOG(Berbera Oil Group) iyo ganacsato reer Somaliland ah.

Sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen, waxa lagu kala kacay kulan toddobaadkan dhex-marey guddi Madaxweynahu u xil saarey la wareegidda Haamaha Keydka Shidaalka iyo Shirkadahii ganacsatada ahaa ee gacanta ku hayey maamulka Haamaha, waxaana la sheegay in labada dhinac ba isku af-garan waayeen wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera.

Sida wararku sheegeen, dhinaca ganacsatada ee hore u maamulayey Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, ayaa shardi ku xidhay in ay wareejiyaan Haamahaasi iyada oo ay miiska soo dhiggeen lacag 11 Million ah oo ay sheegeen in ay hore ugu jirtay heshiiskii ay la galeen Xukuumaddii hore isla mar ahaantaana heshiisku ahaa haddii dib loogga la noqdo gacan ku haynta haamaha in iyaga na dib looggu soo celiyo lacagtaa 11ka Million ah. Balse sida wararku xaqiijiyeen ayaa guddida Madaxweynahu u soo xil saarey la wareegidda Haamaha Shidaalka Berbera, waxa ay u sheegeen in arrinta lacagta ay ka doontaan sida oo kale na kala xidhiidhaan Madaxweynaha, taasi na waxa ay abuurtay muran iyo in markii dambe lagu kala kaco shirkii la iskugu yimi ee khuseeyey la wareegidda Haamaha Keydka Shidaalka Berbera.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Mudane Maxamed Yuusuf Cabdi oo ka mid ah guddida Madaxweynahu u xil saarey soo wareejinta Maamulka Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera oo shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa weli qiraaya in Maamulkii Haamaha Shidaalka ee Berbera ay weli gacanta ku hayaan Shirkaddii iyo gacasataddii hore gacanta ugu hayey Maamulkaa Haamahaasi, taas oo muujineysa in weli wax natiijo ah aanay ka soo bixin kulankii hore u dhex-marey iyaga iyo gacansataddii gacanta ku haysay Haamaha Shidaalka Berbera.

“Waxa aanu halkan si cad ugu caddeynaynaa in mas’uuliyaddii, maamuliddii, gacan ku heyntii ba ay weli hayaan shirkadda hore ba gacanta ugu haysay haamaha shidaalka ee Berbera ee loo yaqaano BOG(Berbera Oil Group), kuwaas oo ku dhawaad ka kooban 11-shirkaddood iyo tiro saami ley ah oo 50 kor u dhaaftey na ay wadaagaan.”.Ayuu yidhi Maamed Cabdi Yuusuf

Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu, waxa kale oo iyada oo aanu murankaasi dhammaanin shaaciyey in la gaadhay wakhtigii ay Xukuumaddu keensan lahayd shidaal nadiif ah ay iyadu gacanta ku hayso isla mar ahaantaana tudhaale u noqda shacabka Somaliland, waxaana uu yidhi:- “Waxa la gaadhay oo la joogaa wakhtigii dawladdu ay iyadu soo iibsan lahayd shidaal isla mar kaana Haamaha aanu ku shuban lahayn, kaas oo aanu dooneyno adeeg hufan, nadiif ah isla mar kaana bulshada Somaliland ee kala duwan u noqda tudhaale in aanu keeno.”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top