Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Itoobiya Oo Sharraxday Maxkamadeynta Madaxweynihii hore Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

focus

Dawladda Itoobiya Oo Sharraxday Maxkamadeynta Madaxweynihii hore Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

(SLT-Jigjiga)-Madaxweynihii hore ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar, iyo saddex qof oo kale oo ka mid ahaa maamulkiisii   ayaa maanta  ka soo hor muuqday maxkamad ku taalla magaalada Addis-ababa, siday baahisay  wakaallada wararka Itoobiya ee ENA.

Saddexda xubnood ee maxkamadda lala soo taagay Cabdi Maxamed Cumar,  waxa ka mid ahaa madaxii hoggaanka Haweenka iyo Carruurta ee dawladii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya, Raxma Maxamed Haybe,hoggaankii hore ee xafiiska biyaha iyo waraabka Suldaan  Maxamed iyo Madaxii hore ee xafiiska qurbajoogga ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Abdurazak Saani.

Wakaallada wararka Itoobiya waxay sheegtay inay afartaas masuul ay  ku eedaysan yihiin  dilal iyo barokicinta dad badan isla markaana ay burburiyeen qalabkii dhex yaallay xarumo diimeed. Waxa kaloo eedaymaha loo haysto madaxweynihii hore ee  Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar iyo saddexdaas xubnood ee kale   ka mid ah inay dhiirigeliyeen inay dhallinyarada degaankaasi ku kacaan rabshado qowmiyado ku salaysan.

Warku wuxuu intaas ku daray in eedaysaneyaashaasi ay maxkamadda ka dalbadeen inay damaanad qaado caafimaadkooda maadaama oo ay xanuunsanayaan qaarkood, waxaanay maxkamaddu Booliska Itoobiya siisay 14 maalmood oo dheeraad ah oo ay ku baadhayaan dacwadahooda.

Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa xabsiga la dhigay Isniintii toddobaadkan, iyadoo laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla Addis-ababa oo  laga helay hub.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top