Connect with us

somalilandtoday.com

Shaqo Doon Ma Tahay?. Shirkad Soo Dhajisay 240 Kun Oo Shaqo

focus

Shaqo Doon Ma Tahay?. Shirkad Soo Dhajisay 240 Kun Oo Shaqo

(SLT-Hargeysa)-Shirkadda diyaaradaha soo saarta ee Boeing ayaa saadaal ka bixisay in dalalka ku yaalla dhinaca badweynta Pacific-ga ee qaaradda Aasiya ay labaatanka sano ee soo socota u baahanyihiin tirada ugu badan ee shaqaalaha diyaaradaha sida duuliyeyaasha, farsama yaqaannada iyo howl wadeennada kale ee diyaaradaha.

Kororka ganacsiga ee gobolkaas ayaa hor seedi doona inuu sare u kaco dhaqaalaha ayna bataan safarrada, waxaana la saadaaliyay in halkaas looga baahan doono 240,000 oo duuliye oo dheeraad ah iyo 317,000 oo shaqaalaha kale ee diyaaradaha ah wixii loo gaaro sannadka 2037-da.

Dalka Shiinaha oo kaliya ayaa u baahan doona kala bar ka mid ah tiradaan howl wadeennada diyaaradeed ah.

Daraasaddaan cusub ayaa walaac ku sii kordhineysa gobolkaas oo haddaba ay ka jirto baahi baahsan oo loo qabo duuliyeyaal hor leh.

Waxaa sidoo kale gobolka aad ugu yar taba barrada la siiyo dadka daneeya howlaha la xiriira diyaaradaha.

Tobanka sano ee soo socotana waxaaba la filayaa in ay howl gab noqdaan duuliyeyaal fara badan oo gaboobay.
Arrintaas ayaana aad u sii kordhin doonta dalabka ku aadan duuliyeyaal dheeraad ah oo waddamadaas ka howl gala.

Waxaa muddooyinkaanba aad loo raadinayay xirfadleyaasha khibradda u leh duulinta diyaaradaha ganacsiga, helicopter-rada dalxiiska iyo diyaaradaha ay leeyihiin dadka maal qabeennada ah.

Boeing ayaa qiyaasteeda ku sheegtay in Shiinaha oo kaliya looga baahan doono 128,500 oo duuliye, sidoo kalena Koonfur-bari Aasiya ay u baahan doonto 48,500 oo duuliye, halka dalalka ku yaalla Koonfurta Aasiya ay iyagana u baahan doonaan 42,750 duuliye.

Saadaasha ay shirkaddaan sameysay ayay ku saleysay codsiyada loogu soo dirsanayo iney sameyso diyaarado cusub.

Shirkaddaan oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in 40% ka mid ah diyaaradaha rakaabka ee ay sameyso loo gudbiyo dalalka Aasiya ee ku teedsan badweynta Pacific-ga.

Xoojiso suunka kursiga diyaaradda

Boeing ayaa hadda sameysa barnaamijyo lagu taba baro duuliyeyaasha hase ahaatee awood uma laha in ay si buuxda u daboosho baahida duuliyeyaasha looga qabo qaaradda Aasiya.

Dadka wax falanqeeya ayaa walaac ka muujinaya arrintaan, iyagoo sheegay in helitaan la’aanta duuliyeyaasha ay horseedi karto khatar maadaama ay diyaaradaha gacanta u gali karaan dad aan khibrad ku filan lahayn.

Arrinta kale ee jirta ayaa ah in duuliyeyaasha hadda shaqeeya xitaa ay dalbanayaan mushaar kordhin, taasoo hoos u dhigeysa faa’iidada ay soo xareeyaan shirkadaha diyaaradaha ee ganacsiga.

Dalalka ay ka jiraan ururrada shaqaalaha ee awoodda leh sida UK iyo Faransiiska ayaa dalbanaya in mushaarka loo kordhiyo duuliyeyaasha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top