Connect with us

somalilandtoday.com

Sebankii Yimaadba Rag Baa Naanays Sahayda

Articles

Sebankii Yimaadba Rag Baa Naanays Sahayda

Qofku marka aanu degalkiisa dhana u dhaafin gacanta waalidkii wali ku jiro waayaha aduun waxba uuga baxsanayn , dhib iyo dheef waxii la soo maray dhoodhif ka yahay wax uu doono in uu ku hadlaa waa gar waayo colaad wax uu ka yaqaano ayaa yar dhimasho , xaq , rafaad , burbur iyo qaxoonti ninkii soo arkay ilaahay buu ka magan galayaa waayo nimcada aad haysato waa in aad ku shugridaa ilaahay uugu mahadnaqdaa intii ina soo martayba cashar inoogu filan .

Dhalinta ku mashquulsan hurinta colaad ka dhacda Somaliland ee colaad wax ay ka garanayaan jirin waxa aanu leenahay isku baxa indinka ha idinku

koobnaato meel kalena ka hela idamka ale.
Waxa aan ku naaloonaynaa amni , deganaansho , waxbarasho , ganacsi iyo xoriyad xiliga aynu doono aynu socono wax maanta aan balo uugu yeedhanaa ma jirto nin walbi kaalinta kaga aadan qarankiisa inta kaga aadan ha gufeeyo waxna ha taro. Qabyaaladu waa qudhan haddii dhalintu ku milanto waligeen kob caleen leh ka soo durdurin mayno sidaas uun baynu isku daba wareegi.

Arimaha masiiriga ah sida jaangoynta siyaasada waxa ay leedahay cid inagu matasha waxa inoo furan asxaab aynu ku loolano , guurti , dhaqan , salaadiin iyo wax garad ka taliya marka ay liicdo toosiya dalka waxa ka jirta dawlad waxii tabasho ah cid baa jirta marinkeeda leh adigana ku matasha af xumo ha ku barbaarin dhaxalkaaga danbana ha xumayn maalintaadaa dhawr sida aa u talisana waa lagu sugi .

Arimaha socda in aad ka faalooto sida saxda ahna uuga falcelisaa waa muhiim waayo aqoon baa ku shidaysa in adiga oo Hargaysa jooga ama Burco jooga aad durnaabo colaadeed tunto adiga ayaa uugu futo xun ka uugu horeeya ee qaxayana ah mustaqbalkiisana god ku ridaaya af xumo nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto sidisidaada mooyee dhul dhacaaga hubso.

Ilaahay ha inaga qaboojiyo belada inagu gaaf wareegaysa wax sidaa u buurana maaha biyo hoostood uun baynu iska aragnay waana ay iska dhamaan ee yaanay adiga naanaysi ku raacin ileen saban waliba rag baa naanays sahayd’e.

Arinta kornayl Caare soo af jaridayda waxa looga fadhiyaa marka hore xukuumada in ay wada hadal laga gasho dhaqankuna sidii.caadada inoo ahayd ku guntadaan ninkaa iyo inta la socotaba waayo balaayo daba la qabo malaha ee ka hor tag bay leedahay dagaalna nina waxba uuma soo sido aan ahayn hooyo goblanta , mid asay qaada iyo caruur agoon noqota dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho .

Carab iyo labadiisa daan baan cid iskugu dhaw iyana waa ay is qaniinnaan waxii dhexdeena yaal aan hoos iskula eegno gamco geel jire hoos baa loo dhaqaa .

Xukuumada waxa laga rabaa in ay cadaalad umada ku dhaqdo si siman wax loo qaybsado haddii wax inaga qaloocdeen aan saxno cidkasta oo wax saluugtaana marin qaldan iyo laf jab qaranka yaanay u horseedin tudhaalahana ka tegin .

Kaalinta banaan ee xilkeedii gabtay waa golihii guurtida oo imika uu magaciisu uun jiro ma ragii talin jiray baa ka dhamaaday wax dhintay , wax jiifa iyo wax gaboy ritay noqday oo dhaxlayaal aan u bislaan guurtiyeen ayaa meesha jooga mise hagrashaa jirta marka ay arimhu mugdi galaan ee gir gir noqoto guurtida ayaa lagu baxsan jiray oo dalkana wax badan u soo maray kaalintiinii waanu sugaynaa hadaanu nahay shacabk aad xilka u haysaan.

Ugu danbayn maanta waxa aynu joognaa xili qarannimadii la moodo in ay si u fagmaso waar yaan dhaxalkeenii dhexdeena ku lumin aan ka fikirno jiilka soo socda waxbarashadooda , caafimaadkooda iyo mustaqbalkooda wada jirkeenu waa guusheena kala irdhawgeenu waa faraxa nacabkeena ul iyo diirkeeda aan noqono walaalayaal aaan isku tiirsano walaalayaal aan is weheshano gacal iyo xigaal wada dhashaynu nahay ab iyo isir aan meelna kala tagayn ilaahay is beday baynu nahay aan isku tanaasulno.

Madaxweyne adiga ayaa qaranka uugu sareeya u dhug yeelo waxa uu shacabkaagu tabanayo qalinkaagu ha daaweeyo boogaha iyo dildilaaca qaranka ku socda cadaalad fal dadkaaga sida ay u wada socin karaan saamigooda u eeg cid sedbuursiyo ha siin cidna afka ha ka xidhan maanta adiga ayaa uugu welwel badan magac xumo yaanay ku raacin dushaadana ku dumin wada tashiga badso dadka dal iyo dad yaqaanka ah ururso wax walba nabad siiso maanta ma tihid gudoomiye xisbi ma tihid askari waxa aad hogaamiyihii qaranka cidkasta oo wax tabanaysa gogol u fidi dadkaaga iyo dalkaaga u tag waxa ay ku suganyihiin u kuur gal .

Wabilaahi tawfiiq

Miskiin Maxamed Xuseen

Ababiye11@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top