Beel weyntii Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), inuu dagaalkii sokeeye ee qarnigii 19aad, inuu kala qixiyey, oo uu xadaaraddeedii iyo ilbaxnimadeedii’ba inuu burburiyey’i, waa run taariikheysan; oo waa la wada ogyahay.
Waxan’se aan la wada fahamsaneyn, colaaddaas ka bacdi, sababta beesha kala qarisey, ee ay isku wada sheegan weydey, ee ay isku soo wada haybsan weydey, ee ay u wada midoobi weydey.
Si aynu qodobkaas wax uga ogaanno, waa in aynu jabkii
beesha ku dhacey, ee ay soo martey, waa in aynu dib u raadraacno, oo aynu wax ka iftiimino. Hadda’ba si’da taariikhdu ay tilmaameyso, beesha markii la jabiyey, afarta jiho ayay u kala firxatey. Qeybi’ba gees foodda ha saarto’e, hadda’na laba dhinac ayay inteedii badneyd’i, ay u kala firdhatey.
1- Galbeedka ayay intan Toljecle la yidhaahdaa’i, ay u soo baxsatey.
2- Dhulbahante ayay intan Aadan-madoobe loo yaqaanno, iyo in kale oo wali ku sii dhex hadhsan’ina, ay u magan gashey.
Xaaladdaas waxa ka dhalatey, inay intii galbeedka timid’i, inay magacii Habar Jecle, ee intii ay soo maqnaayeen lala baxey, inay iyagu ay ku raaci waayaan, oo ay la qaadan waayaan, oo ay ku diidaan; waa’na ta goonida u jartey. Midda kale ee reerkan taariikhdooda lumisey’i, waa iyaga oo magacoodii Ugaadh Aadan-madoobe, ee Habar Jecle, waa iyaga oo qariyey, oo aan lagu maqlin; lagu’na baranin.
Intii Dhulbahante ka soo xanaaqdey, ee dib uga soo guurtey, oo iyagu’na magacaas guud ee Aadan-madoobe mooyaan’e, aan abtirsiintoodii saxda ahayd, ee Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe, Xasan Ugaadh Aadan-madoobe iyo Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe, aan iyagu’na adeegsanjirin, ayaa midnimadii beesha sii dhaawacdey, oo muggdi’ga galisey. Waa’yo, magacoodii ay ku abtirsanayeen, ee Ugaadh Aadan-madoobe, ayay iyagu’na muujin waayeen; oo ay qariyeen.
Sidaas darteed, Toljecle ayaan ahay, oo sharaxaad kale aan lahayn, iyo Aadan-madoobe ayaan ahay, oo tafaasiil kale aanay la soconin, ayaa laba beelood oo aan is lahayn, loogu maleeyey.
Si kasta ha ahaata’e, marka Sanbuur oo Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe ah, Muxumed Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe oo Warsangali la yaal ah, Wacays Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe oo Ogaadeen la yaal, qeybta Dhulbahante la yaalka ah iyo inta Ugaadh Abokor (Ugaadhyahan) la yaalka ah, marka lagu daro, beeshu saddexdan ayay u kala baxdaa:
1- Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
2- Xasan Ugaadh Aadan-madoobe
3- Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe
Alla ha u naxariisto’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
Anuun baa dhaxantu xaley iigu timid, dhimirsigii ciile
Dhegxumada aniyo baa masa, dheecdan reer Gude’e
Wallee ama dhilfida laygu xidhey, dhoobo qolof saarey
Wallee ama dhulkaba waan ka tegi, dhaaban magaciiye.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com