Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Ku Dhaqan-Geliyey Xeer Si Toos Uga Hor-Imanaya Diinta Islaamka Oo Ay Hore Uga Digeen Golaha Guurtidu

English

Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Ku Dhaqan-Geliyey Xeer Si Toos Uga Hor-Imanaya Diinta Islaamka Oo Ay Hore Uga Digeen Golaha Guurtidu

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018, ku dhaqan-geliyey afar Xeer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.

2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.

3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.

4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/804/2018, summaddiisuna tahay Ref: GW/9/26/166/2018, kuna taariikhaysan 05/08/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta

Xeerarka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018;
Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018;
Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018; iyo
Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018;

Markaan Arkay: Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan soo-saaray;

1. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.

2. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.

3. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.

4. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Afartan xeer ee uu maanta dhaqan-galiyay madaxweynuhu ayaa waxa ka mid xeerka kufsiga oo ay golaha guurtida Somaliland hore u sheegeen in uu ka hor-imanayo diinta islaamka waxaanay ay madaxweynaha uga digeen in uu dhaqan-galiyo, Halkan hoose ka DAAWO

Hadda muxuu yahay xeerkan golaha guurtidu ka qayniyaan ee ansixiyeen golaha wakiillada isla markaana uu maanta wareegto madaxweyne ku dhaqan galiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top