Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyayaasha Dunida Ugu Isticmaalka Badan Shabakadda Twitter Iyo Madaxweynaha Ugu Horreeya Afrika?

advertise

Hoggaamiyayaasha Dunida Ugu Isticmaalka Badan Shabakadda Twitter Iyo Madaxweynaha Ugu Horreeya Afrika?

(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyayaasha Dawladaha illaa Ardayda Dugsiyadda ayaa si darandoori ah u adeegsada isticmaalka Aalladda Twitterka oo ka mid ah Warbaahinta ay Bulshadad ku wada xidhiidhaan ee loo yaqaano Warbaahinta Bulshada (Social Media).

Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ayaa iyaga ugu badan Hoggaamiyayaasha sida joogtada ah u adeegsata Twitterka, iyadoo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu noqday Hoggaamiyaha Afrikaanka ah ee Taageerayaasha ugu badan ku leh Twitterka ama haddii aynu si kale u nidhaa dadka ugu badani ku xidhan yihiin ee haysta saaxiibada ugu badan ee Twitter marka la barbar dhigo Madaxweynayaasha kale ee qaaradda Afrika.

Waxa Kaalinta Labaad ku jira Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame, halka kaalinta saddexaad uu ku jiro Hoggaamiyaha dalka Koonfurta Afrika Jocob Zuma. Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo xilka Madaxtinimadda haya wax ka badan hal sanno ayaa waxaa uu leeyahay macaamiil tiradoodu dhan tahay 456,209 Taageerayaal (Followers) ah oo ku xidhan bartiisa. Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo kaalinta Labaad ku jira, isagoo talada dalkaasi qabtay sannadkii 2000 waxaa macaamiil Twitterka kula ah 408,353 Followers.
Madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Afrika Jocob Zuma waxa uu kaalinta saddexaad kaga jiray Hoggaamiyayaasha Dawladdaha Afrika ee inta badan Twitterka adeegsada, wuxuuna leeyahay in ka badan 325,896 Followers. Ra’isul-wasaaraha dalka Uganda, Amama Mbabazi ayaa isagana ka mid ah Madaxda Dowladaha Caalamka ee sida aadka u kasbaday taageerayaasha ku xidhan Twitterka. Hoggaamiyaha Caalamka ugu taageeradda badan Twitterka ayaa ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Barack Obama (@BarackObama), waxaana taageerayaal ama saaxiibo ku leeyahay Twitterka ayaa dhan 47 million oo followers ah. Cinwaanka kale ee uu Ololaha u adeegsado Obama ee Pope Francis (@Pontifex) waxa uu ku kasbaday saaxiibayaal tiradoodu dhan yihiin 14 million followers. Barack Obama ayaa ah Hoggaamiyihii ugu horreeyey Caalamka ee samaystay Cinwaanka Twitterka bishii March 5th 2007, isagoo xilligaasi u isticmaalay cinwaanka Senator Obama, isagoo user numberkiisu ahaa 813,286.

Barack Obama ayaa isaguna 95% waxa uu ku tweet gareeyaa @replies, sida lagu shaaciyey daraasaad ay sameysay Twiplomacy. Madaxweynaha dalka Indonesia, Susilo Bambang Yudhoyon (@SBYudhoyono) waxa uu isaguna saaxiibo ku kasbaday Twitterka, kuwaasi oo dhan 5 million followers. Ra’iusl-wasaaraha cusub ee dalka India, Narendra Modi waxa uu kaalinta Shanaad kaga jiraa Liiska Hoggaamiyayaasha Caalamka ee ugu isticmaalka badan Twitter-ka, wuxuuna leeyahay 4,967,847 followers. Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa isaguna Twitterka ku leh Taageerayal dhan 4,976,734 followers. Daraasadda waxaa kaloo lagu qiimeeyey Qaabka ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Caalamku ugu kala horreeyaan isticmaalka Twitterka, waxaana qiimeynta Koowaad ku soo baxay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Faransiiska Laurent Fabius oo leh cinwaanka (@LaurentFabius).

Shabakadda Twitter oo ka mid ah shabakadaha xidhiidhka dadweynaha ayaa kaalinta koowaad kaga jirta shabakada ay sida weyn u isticmaalaan dadka madaxda ah iyo kuwa caanka ah ee kaleba sida Fannaaniinta, Ciyaartoyga iyo Jilayaasha Filimada dunidu isaga oo dadka kale ee caadiga ahi aad u isticmaalaan shabakadda kale ee Facebook oo ah tan iyadu dadka ugu badani isticmaalaan dadka adduunka ku nool.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top