Connect with us

somalilandtoday.com

Kuuriya Waqooyi Oo Siidaynaysa Dalxiiseyaal U Dhashay Dalka Japan

focus

Kuuriya Waqooyi Oo Siidaynaysa Dalxiiseyaal U Dhashay Dalka Japan

(SLT-Pyongyang)-Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay siidaysay dalxiiseyaal Japan u dhashay, iyadoo arrintaas ku sababaysay banii’aadminimo.

Xog yar ayaa laga og yahay Tomoyuki Sugimoto, balse waxaa la og yahay in la xiray horraantii bishan.

Kuuriyada Waqooyi faahfaahin kama bixinin sababta loo xiray, balse waxay sheegtay in uu sharciga jabiyay, warbaahinta Japan ayaa sheegtay in laga yaabo in uu sawirro ka qaadayay xarun milatari.

Dalxiiseyaasha booqda Kuuriyada Waqooyi ayaa si dhaw loola socdaa mar kaste.

Dalkan xogtiisa aadka u qariya ayaa hadda ka hor xiray dalxiiseyaal. Mararka qaarna si aan kala sooc lahayn, waxayna u adeegsadeen in ay kula gorgortamaan dalalkii ay u dhasheen.

Dadkii u dambeeyay ee ay sidaas ku sameeyeen waxaa ka mid ahaa Otto Warmbier oo ahaa arday Maraykanka u dhashay oo loo xiray in uu xadayay astaan huteel taallay.

Waxaa sidoo kale loo fasaxay xaalad banii’aadminimo, balse wuxuu Maraykanka gaaray isaga oo aad u xannuunsan maalmo ka dib ayuuna geeriyooday.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top