Connect with us

somalilandtoday.com

Khasaaraha Ka Dhashay Dhul-gariir Xooggan Oo ka Dhacay Iran

focus

Khasaaraha Ka Dhashay Dhul-gariir Xooggan Oo ka Dhacay Iran

(SLT-Iran)-Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay in ka badan 250 kalana dhaawacyo ayaa soo gaadhay kaddib dhul gariir cabbirkiisu dhamaa 6.0 uu Axaddi shalay ku dhiftay galbeedka dalka Iran.

Dhul gariirka ayaa xooggiisa ka dhacay gobolka Kermanshah, balse waxaa uu saameeyay magaalooyinka dhaca xadka Iran ay la wadaagto Ciraaq.

Saraakiisha ayaa sheegay in labada qof ee ku dhimatay dhul gariiirka ay kala ahaayeen haweeneey uur laheyd iyo oday waayeel ah.

Warbaahinta Ciraq ayaa ku warrantay in dhulgariirka aad looga dareemay magaalada Baghdad oo 300 oo km u jirta xuduudka Iran.

Bishii November ee sannadki hore, dhul gariir lixaadkiisu dhamaa 7.3 oo ka dhacay gobolka Kermanshah ee dalka Iran ayaa dilay ugu yaraan 530 qof halka ay ku dhaawacmeen kumanaan ruux.

Dhul gariirki ugu xumaa ee taariikhdan casriga ah ka dhaca Iran ayaa waxaa uu ahaa kii sannadki 2003-ki garaacay magaalada taariikhiga ah ee Bam. Waxaa markaasi ku dhintay 26 kun oo ruux.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top