Connect with us

somalilandtoday.com

Hawl-gallo Aan Gacan Dawladdeed Ku Jirin Oo Lagu Baadhayo Cidda Loo Tuhunsan Yahay Qaraxii Lagu Khaarijiyey Siyaasiyiintii reer Buuhoodle

focus

Hawl-gallo Aan Gacan Dawladdeed Ku Jirin Oo Lagu Baadhayo Cidda Loo Tuhunsan Yahay Qaraxii Lagu Khaarijiyey Siyaasiyiintii reer Buuhoodle

Reer Buuhoodle oo isha ku haya natiijada baadhitaanno lagu hayo Dad lagu xidhiidhiyey Qaraxii ka dhacay Magaaladaas

(SLT-Buuhoodle)-Magaalada Buuhoodle waxa ka socda howl-gallo lagu baadhayo cidii soo maleegtay Qarax lagu dilay Siyaasiyiin ka soo jeeda Deegaanka iyo dad kale oo horaantii Bishan ka dhacay Magaaladaas.

Laba Siyaasi oo isku hayb ah iyo laba qof oo kale ayaa ku dhintay Qaraxaas oo 1-dii bishan ka dhacay Bariga Magaalada. Howl-galada Baadhista ah oo ay iskeed u fushanayso Beesha ay ka soo jeedeen siyaasiyiinta lagu dilay Qaraxu, ayaa waxa ilaa hadda lagu qabtay laba Qof oo is-qaba oo lagu xidhiidhiyey qaraxaas. Labadan qof ayaa maalin saddexaad waxa gurigooda ka qaatay Ciidan Beeleed ka soo jeeda Beesha Siyaasiyiinta dhimatay ahaayeen, waxaanay taasi keentay dood iyo dareen ka dhex abuurmay Beeshaas iyo Ardaaga ay ka soo jeedaan labada ruux ee la qabtay, iyadoo markii dambe isfaham laga gaadhay, markii Dadku ka dhinteen sheegtay in baadhistii Qaraxu la gashay, isla markaana Ninkii Is-qarxiyey gurigooda ku noolaa wakhti.

Labada Ruux ee isqaba ee loo haysto inay qayb ka ahaayeen weerarkii qaraxa ayaa ayaa la sheegay inay gacanta ugu jiraan Beesha ay ka soo jeedaan labadii Siyaasi ee weerarka ku dhintay.

Beesha kale uu ka soo jeedo Ninka isaga iyo Xaaskiisa loo haysto falkaas, ayaa la sheegay inay dhankeeda markii hore aad uga xumaatay af-duubka loo geystay labada Qof ee isku qoyska ah, balse warku wuxuu sheegayaa in Odayaasha labada dhinac isku qanciyeen inay beesha wax tirsanaysaa baadhitaankeeda dhamaysato si ay ugu qanacdo natiijada wixii tuhun ah ee ay ka qabto Qoyskaas.

Geesta kale, wararkii u dambeeyey ee la xidhiidha arrintaas ayaa sheegay in labadii ruux ee tuhunka loo haystay dib loogu soo celiyey gacanta Beesha ay ka soo jeedaan, inkasta oo la sheegay inay qireen inay falkaas wax ka oogaayeen. labada ruux ee isqaba, ayaa waxa loo haystay in qofkii Qaraxa fuliyey uu ku soo degay gurigooda oo ku yaalla Magaalada Buuhoodle, isla markaana lacag loogu soo hagaajiyey Haweenayda Ninkeeda lala xidhay, waxaana warku intaa raaciyey in Magaalada Kismaayo lagu xidhay Gabadh kale oo ay walaalo yihiin Gabadha Ninkeeda lala xidhay, taasoo la sheegay inay lacagta qofka is-qarxiyey ugu soo dirtay walaalsheed.

Sida ay Bulshada Deegaanku ay xaqiijiyeen Gobanimonews oo aanu kasoo xiganay ma jirto cid dawladda Somaliland iyo Maamulada kale ee Gobolka sheegta ka socda oo qayb ka ah baadhista socota, wallow ay saraakiil Somaliland ka tirsani sheegeen in khubaro falkaas baadhha wakhti hore loo diray Buuhoodle, dhinaca Puntland Koox ka socota lagu sheegay Magaalada inay soo gaadheen todobaadyo ka hor.

Hadday jiraan iyo haddii kaleba ilaa hadda kama dhex muuqdaan howl-galada baadhista ah cid ka socota labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland, taasoo abuurtay wel wel laga qabo in isku dhac beeleed yimaado haddii ay sii socdaan howlgalada ay Beesha dadku ka dhinteen ku beegsanayso cidyowga raadadku galaan.

Magaalada Buuhoodle oo ku taalla soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia ayaa waxa gacanta ku hayey sanadihii u dambeeyey Maamulka Khaatumo oo aad moodo inuu sii liicayo Maamul ahaan iyo nidaam ahaanba, laakiinse daanta Itoobiya oo ay joogaan Ciidamo ka tirsan dawladaasi wax faro-gelin ah kumay samaynin arrintan.

AHN. Axmed Maxamuud Doolaal wasiir daakhili ugu magacawnaa Khaatumo iyo C/fataax Rood Maan la taliyihii hore ra’iisal wasaare Cumar Cali Sharmaake oo labadooduba isku beel ka soo jeeda iyo qof kale oo aan magaciisa la shaacin, ayaa ku dhintay qarax 1-dii Bishan August ka dhacay Magaalada Buuhoodle, waxana qaraxaas ku dhaawacmay 3 qof oo kale. Ma jirto cid sheegatay Weerarkaasi oo dhacay markii laga soo baxay Salaada Maqrib, uuna fuliyey qof sida la sheegay ahaa Wiil yar oo sida la sheegay ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Soomaaliya. Marxuumka ahaan jiray La-taliyaha Reysalwasaare hore, ayaa la sheegay inuu mar ka tirsanaan jiray Kooxda Alshabaab, balse uu wakhti hore ka soo goostay, isuna soo dhiibay Dawladda Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top