Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka Alexei Oo Lagu Xidhay

focus

Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka Alexei Oo Lagu Xidhay

(SLT-Moscow)-Hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa lagu xiray magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.

Xarigiisa ayaa ku soo beegmaya laba bilood ka dib markii xabsi laga sii daayay, waqtigaasi oo lagu eedeeyay inuu abaabulayay bannaabxayo looga soo horjeedo maamulka madaxweyne Putin.

Afhayeen uhadlay hogaamiyaha mucaaradka ruushka ayaa sheegay in aanay caddayn sababta hadda loo xiray, isaga oo intaas ku daray in lagu hayo saldhig uu leeyahay booliska.

Navalny ayaa sabtidii shalay baraha bulshada ku qoray in mudaaharaadka looga soo horjeedo Putin la qaban doono sagaalka bishan September.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top