Connect with us

somalilandtoday.com

Haweeney Muslimad Ah Oo Dacweyneysa Hay’adda Ka Hortagga Xuduudaha Mareykanka

focus

Haweeney Muslimad Ah Oo Dacweyneysa Hay’adda Ka Hortagga Xuduudaha Mareykanka

(SLT-Washington)-Haweeyneey Amerikaan ah oo telefoonkeeda gacanta ay ka reebteen maamulka xuduudda iyadoo ku sii socota gurigeeda oo ku yaalla Mareykanka, taas oo keentay in sharciga ay la tiigsado hay’adda ka hortagga xuduudaha.

Rejhane Lazoja ayaa lagu hakiyay gegida diyaaradaha ee Newark ee ku taalla New Jersey, kadib markii ay bishii Febaraayo ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalkaasi Switzerland.

Telefoonkeeda ayaa waxaa ka reebtay hay’adda kadib markii ay diidday in ay u furto.

Sharci yaqaanada ayaa ku eedeeynaya hay’adda ka hortagga soohdimaha in ay nuqul ka qaateen macluumadki ku jiray telefoonkeeda gacanta ee ahaa kuwa loo yaqaano smartphone-ka.

Sida lagu xaqiijiyay dukumiintiyo sharci ah, hay’adda ayaa haystay telefoonka in ka badan 120 maalmood ka hor inta aysan u soo celin Ms Lazoja.

Ms Lazoja ayaa hay’adda ku eedeeyneyso in ay ku guul dareeysatay in ay xaqiijiso in nuqulay ka qaateen macluumaadka telefoonkeeda iyo inkale iyo sidoo kale in ay la wadaageen hay’adaha kale ee dowladda.

Teleefoonka ayaa waxaa ku jiray sawirada Ms Lazoja iyada oo aan dhar wadan iyo sidoo kale farrimo ay u dirtay qareenkeeda.

Ms Lazoja waa haweeyneey Muslimad waxa ayna xirataa xijaab iyo qamaar sida ay fartay diideenteeda. Waxaa dukumiintiga ku xusan in aysan banaanayn in qof ajinabi ka ah uu arko iyada oo aan xirnayn xijaab ama qamaar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top