Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidamo Ka Tirsan Booliiska Dalka Soomaaliya Oo Loo Xidhay Eedaymo Musuq-maasuq

focus

Ciidamo Ka Tirsan Booliiska Dalka Soomaaliya Oo Loo Xidhay Eedaymo Musuq-maasuq

(SLT-Muqdisho)-Ilaa 28 xubnood oo ka tirsnaa booliiska dalka Soomaaliya, kuwaasi oo loo haysto eedo iskugu jira amar diido iyo musuq-maasuq ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay laanta dambi badhista booliiska Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidankaasi la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada, kadiib markii la soo eedeeyey.

“Waxaan rabnaa inaan la wadaagna shirkan jaraa’id ciidamo kale oo la maqan hub iyo qalab hanti dadweyne ah, waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo soo celiyo hubka iyo qalabka maqan ayuu yiri taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi .

Taliye ku xigeenka laanta dambi baadhista ee ciidanka booliiska dalka Soomaaliya ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi ayaa u digay ciidanka booliska ee jidadka taagan oo dhibaateenaya shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in kuwaasi lagu qaban doono gacan bir ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku howlan la dagaalanka musuq-maasuq , waxaana jiray saraakiil iyo mas’uuliyiin loo xidhay musuq-maasuq.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top