Connect with us

somalilandtoday.com

Mujaahid Axmed Mire Iyo Ugaas Axmed Oo Gurigiisa Ku Bookhday Siyaasi Cali Sandule

focus

Mujaahid Axmed Mire Iyo Ugaas Axmed Oo Gurigiisa Ku Bookhday Siyaasi Cali Sandule

(SLT-Hargeysa)-Ugaaska Guud ee Beelah Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) iyo Mujaahid Axmed Mire Maxamed ayaa gurigiisa ku bookhday siyaasiga weyn ee Cali Sandule oo muddo xannuun la ildaran.

Siyaasi Cali Sandule oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii kala dambeeyay ee Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa muddo xannuun u jiifa.

Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu dhaliilay inay hagradatay inay la tacaasho xaaladda caafimaad ee siyaasi Cali Sandule.

Maamul gobolleedka Puntland ayaa ugu baaqay ehelada siyaasi Cali Sandule inay u soo qaadaan magaalada Garoowe si ay ugu raadiyaan dhakhtar dibaddeed taasi ay sheegeen in uu kafaalo qaaday Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top