Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayihii Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Maalintii Labaad Ku Xidhan Magaalada Hargeysa

focus

Xoghayihii Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Maalintii Labaad Ku Xidhan Magaalada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Waxa maalintii labaad ku xidhan magaalada Hargeysa Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ah xoghayihii xafiiska raysal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Hay’adaha ammaanka ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin xadhiga mas’uulkan, hase yeeshee warar xog ogaal ah ayaa BBC u sheegay in Cabdiqani Yaasiin Maxamed ay ciidanka boliiska ee Hargeysa ka soo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay xidheen.

Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa loogu xidhay Hargaysa, ayadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aysan raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda.

Dhawaan ayey ahayd markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) loo xidhay kulan dhaqameed uu uga qayb galay Puntland.

Waxaa ka sii horraysay Naciima Abwaan Qorane oo iyadana muddo ku xidhnayd xabsi ku yaalla Somaliland.
BBC Somali

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top