Connect with us

somalilandtoday.com

Ninkii Walaakay Dilay Ayaan 37 Sanno Ka Dib Ka Helay Barta Facebook

focus

Ninkii Walaakay Dilay Ayaan 37 Sanno Ka Dib Ka Helay Barta Facebook

(SLT-London)-Ben Diris ayaa waxay qortay qoraalkan. In ku dhow 40 sano ka hor qoys British u dhashay oo is qaba dil loo geystay lagana helay Biyaha Caribbean, hase yeeshee qofkii dilkaasi geystay ayaa la la’aa meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Maanta wax weliba Internetka ayaa laga helaa sida arday iskuulka aad isla soo dhigan jirteen, saaxibbadaa hore, qof aad jecleyd iyo eey kaa fakaday intaba.

Xataa haddii aad iyaga si toos ah u heli weydo waxaad heleysaa cid kale oo kaa caawiso sidi aad u heli lahayd cidda aad u baahan tahay.

Galabnimadi 2-da Oktoobar 2015-ka, Penny Farmer waxay ka soo noqoneysay safar gaaban oo ay ku gaadhey duleedka magaalada Oxfordshire ee ku taalla koonfurta bari ee Britain.

Waxay furtay koombiyuutarkeeda Laptopka, si ay khadka uga raadisana waxay qortay magaca qofka ay ka shakisaneyd inuu dilay walaalkeed, dunida oo ah mid aad u weyn balse maanta wax walba helitaankooda ay fududaadeen.

Penny waxay heshay ninkii dilaaga ahaa, oo garkiisu cirroobay, oo xidhan koofiyadda iyo funaanad ay xidhaan dadka ciyaara kubbadda baseball-ka ee dilay walaalkeed.

Penny ayaa waxay sheegtay “iney samada ka qorneyn inaan ninkan xilli hore arkin”, haweeneyda walaakeed la dilay ayaa si daacadnimo leh oo aan cabsi ku jirin uga warrameysa sida ay sheekadu u dhacday.

“Waxaan u maleynayaa inuu muddo dheer uu naga qarsoonaa, wuxuuna nala ahaa mid naga fog oo aan weliba la arki doonin. Laakiin Ilaah baan u mahad naqayaa waan ku guuleysatay inaan soo helo” ayey tiri.

Bishi July 1978-kii meydadka Penny walaalkeed Chris, iyo Saaxibaddii Peta Frampton ayaa waxaa laga helay ayagoo sabbeeynaya xeebta Guatemala.

Aad ayaa loo jirdilay oo waa la xidhxidhay. Dhakhtarka meydadkaasi baaritaanka ku sameeyey ayaa wuxuu sheegay howsha baaritaanka iney aad u adkeyd dhibaatada meydadkaasi loo geystay dartood.

Waaliddiinta Penny ayaa waxay Manchester ku sugayeen warqadda natiijada baaritaanka dhakhtarka. Chris oo ahaa dhakhtar 25 jir ahaa iyo Peta oo 24 jir sharci yaqaan ahayd waxay ahaayeen laba qof oo dhalinyara ah da’da dhalinyaranimadana guulo waaweyn xagga noolasha ka gaaray.

Labaduba si joogta ah ayey wax u u qori jireen, laakiin jiilka ka horreysay xilligan dijitaalka ah, gaar ahaan Bartamaha Ameerika, isgaarsiintu waxay ahayd mid ay tayadeedu sarreyso inkasta oo internet quman uu jirin xilligaa.

Balse maalmuhu waxay toddobaadyo isu dhibaan, toddobaadyadana bilo, qoysaska Chris iyo Peta waxay billaabeen iney aad uga caroodaan dilka carruurtooda loo geystay iyo sida wax looga qaban waayey. Dawladda iyo laamaha booliska ayeyna si gaar ah farta ugu fiiqayeen ineysan arrintan ahmiyad siinin oo ay dhayalsadeen.

Peta ayaa waxay waaliddiinteed u soo qortay warqad ay ugu sheegeyso iyada iyo Chris iney nin Mareykanka u dhashay ay kula kulmeen Belize, iyaga oo qorshahooda ugu muhiimsan uu ahaa iney Mexico Bas ka raacaan oo ay soo iibsadaan doon yar oo kuwa lagu kalluumeysto ah, ayna geeyaan Honduras.

Warqaddi ugu dambeysay ee ay soo qortay ayaa waxay ku sheegtay iney saxiixday heshiiska doonta lagu soo iibinayo, qorshaheeda doontana uusan waxba iska beddelin.”

Penny aabbaheed ayaa la xiriiray mas’uulka u xilsaaran dekadda Belize, Justin B, isaga oo uu u sheegay iney israaceen Chiris iyo Peta balse uu keligii soo noqday.

Nin Mareykanka u dhashay oo ka soo jeeda gobolka Silas Boston ayaa looga yeeray Califonia waxaana su’aalo weydiiyey Qunsulka Britain u fadhiyey gobolkaasi. Inkasta oo Boston ay caddeyn u weyday inuu ku lug leeyahay ninkan labada qof ee la waayey ee Chris iyo Peta.

Waxaa xusid mudan, Booliska Greater Manchester inuu u ogolaaday aabbaha Penny in uu telefoon u diro Boston. Boston waxay ahayd mid ka soo horjeedda in wax laga weydiiyo arrin aysan wax badan ka ogeyn.

1-da Bisha February, qoyska Farmer ayaa waxaa u soo dhacay teleefan uu soo diray qof cabsan. Penny markay horay ugu sii socotay si ay taleefanka soo dhacay u qabato qolka ay ku jirtay hooyadeed waxay ku aragtay oo ka soo hor baxay sawirka qalinjabinta Chris oo miis saaran.

“Xusuus weyn ayaa maskaxdeyda ku soo noqnoqotay, ilaa aan is idhahdo sawirba inaadan arag ayaa kuu wanaagsaneyd.”

Hadda, arrinta waa la qaboojiyey. Ilaa iyo hadda wax caddeyn oo muujinayo fal dambiyeedka dhacay ma jiro, wax warbixin ah oo wargeysyada ka soo baxa Guatemala ay ka qoreen arrintanna ma jirto, Booliska Guatemalana wax gacan ah arrinta kama aysan geysan.

Sheekadan Boston waa mid daldaloolla badan leh. Tacaddiya badan ayaa had iyo jeer ka dhaca sida dadka la xabbadeeyo, kufsi iwm, xaaskiisa seddexaad oo ka mid ahayd toddobadiisa xaas 10 sano ka hor ayaa la waayey. Booliska Sacramento wax baaritaan dheeraad ah kuma sameyn arrintan.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay, labadii wiil ee Boston ma aysan wareysanin mana jirin wax soo jeedin iyo iskuday midna, iyo wax isku day ah oo loo galay in dilka labadaasi qof ciddi ka dambeysay lagu raadiyo.

Penny ayaa waxay tiri, “Runti wey adagtay in arrintani la qiyaaso maxaa yeelay wey adag tahay in arrintan dib loo baadho,sababtuna waxay tahay ma jrin xilligaas wax computer ama taleefanka gacanta ah oo caddeyn ahaan ama baaritaan loo adeegsan karo.”

“Guatemala waxay ka tirsan tahay dunida seddexaad oo dalku malaha ciidamo boolis oo qumman oo uu dalkaasi leeyahay. Wax xiriir ah lama lahayn Britain, sababta oo ah waxay Guatemala ku eedeysay iney arrinta Belize waxba ka qabanin.

“Booliska Mareykanka ma noqon mid naga caawiya arrintan. Booliska Manchester ayaana Kiiska gacanta ku dhigay, waxayna dib ula soo xiriireen aabbahey. 1980-meeyadi arrin ayaa dhacday in gabi ahaanba kiiskan la iska xidho marki meel loo dhaqaajiyo la waayey.

“Waxaa si weyn iigu muuqatay sida ay arrintan u saameysay waaliddiinteyda, balse ma rajo beelin. Hooyadeey ayaa waxay shaqadeeda ka qaadatay fasax, sababta oo ah dhimashada Chris ayay aad uga xumaatay ugana murugootay.”

Penny oo heshay 37 sano kaddib ninki dilay walaalkeedLahaanshaha sawirkaCOURTESY PENNY FARMERImage captionPenny oo heshay 37 sano kaddib ninki dilay walaalkeed

Penny oo xiliiga walaalkeed la dilayey 17 jir ahayd, waxay xilligaasi galeysay jaamacad waxayna baratay cilmiga saxaafadda, weyna guursatay oo waxay dhashay 3 carruur ah. Mar kale ayey farxad heshay maadaama ay waalid noqotay, balse weligeed kama suulin su’aasha ah cidda dishay walaalkeed iyo sida ay gacanta ugu soo dhigi lahayd iney is weyddiiso.

“Dad badan ayaa nolosheeda dhibaato iyo waxyeello u geystay, balse waxaa nolosheeda masiibo weyn ku noqotay dilka loo geystay Chris iyo Peta. Waxay ahayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsanin waxayna ku hawlanaayeen sidii ay noloshooda guul uga gaari lahaayeen”

Dhalshada aaladdan cusub ee Internetka ayaa, Penny aabbaheed waxay ku abuurtay inuu nolol cusub billaabo, maadaama kiiski muddo daboolnaa waddo loo maro la helay, wuxuuna farriin qoraal ah uu dhanka E-mailka ugu diray waaxda booliska ee magaalada Sacramento, isaga oo aad uga niyad jabsan waxa ay sameeyeen aadna uga xanaaqsan.

Hase yeeshee farriintiisi wax jawaab ah lagama soo siinin.

Penny aabbaheed wuxuu geeriyooday 2013-kii, isaga oo aad uga xun xalna aan u helin masiibada wiilkiisa ku dhacday oo aan welina la garan sida iyo sababta ay u dhacday midna.

Chris, Russell iyo Vince 2016 ayaa marki ugu horeysay sawirkan la soo dhigayLahaanshaha sawirkaCOURTESY PENNY FARMERImage captionChris, Russell iyo Vince 2016 ayaa marki ugu horeysay sawirkan la soo dhigay

Penny hooyadeed oo ku nooleyd meel ka fog awgeed fursad ay marar badan ku booqata meysan helin.

Penny Silas Boston oo ah dilaaga walaalkeed oo keliya meysan helin oo waxaa kale oo ay heshay labadiisa wiil ee ninkaasi uu dhalay oo la kala yirahdo Russel iyo Vince, iyo xaaskiisa shanaad. Farriimo qoraal ah ayey E-mailka ugu dirtay laakiin jawaab degdeg ah kama eysan helin.

Sidaa awgeed, Penny waxay la xiriirtay booliska Manchester iyo Booliska Sacramento, waxa dhacayna ay uga warrantay waxaana dib loo furay dacwaddi kiiska dilka labada qof, waxaana Kiiska fududeysay oo xog iyo caddeymo fiicanba laga helay xaaska seddexaad ee Boston.

Arrinta la yaabka leh ayaa ahayd mid ka mid ah wiilashii uu Boston dhalay oo Booliska u sheegay sir qarsoon oo qoyskooda ku saabsan oo ah inuu hooyadood uu dilay aabbahood.

Iyada oo uu weliba wiilkaasi bixiyey xog dhowr iyo soddon sano raadkeeda la la’aa oo ah inuu aabbahood uu dilay labada qof ee la kala yirahdo Chris Farmer iyo Peta Frampton, uuna ku dilay dalka Guatemala.

Sanadki 2013-ka wakaaladda ka hortagga dambiyada qaranka ee dalka Britain waxay aasaastay koox adag oo dambi baadhista kiiskan oo ka kooban booliska Sacramento, Booliska boqortooyada Canada, FBI, Interpol iyo Booliska Scotland yard. Dacwaddana waxaa dib looga soo celiyey California oo uu dilaaga ka soo jeedo iyada oo meydadkana baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyey.

Bishii March 2016-kii, oo ku beegneyd 6 bilood ka dib marki ay Penny ninka ka heshay Facebook, hooyadeed iyo walaalkeed ka weyn waxay tageen saldhigga booliska ee Great Manchester. Booliskana waxay markhaati ahaan u keeneen labada wiil oo uu dhalay dilaagan, Penny hooyadeedna waxay damacday iney wiilasha ay xog dheeraad ah ka hesho.

Penny ayaa waxay sheegeysaa “iney cajiib ahayd waxa maalintaa ka dhacay goobtaasi.”

“Boston waa nin heesaha Rap-ka caan ku ah. Walaalkeeyna xaalad adag ayuu maray, garbaduub ayaa loo xidhay, waa la jirdilay si bani’aadaminimada ka baxsan ayaa loola dhaqmay runtii, intaa ka badan ma oran karo.

“Runtii waa arrin xanuun badan waxa dhacay, Chris laftiisu madax iyo lafahaba nabarro jab uu u geystay ayaa ku yaalla, jirkiisa oo dhan dhiig miiran ayuu ahaa, iyada oo isku dayeysaa iney dajiso iyada oo leh aaladda wey hagaagi doontaaye isdaji”

Penny iyo Russell BostonLahaanshaha sawirkaCOURTESY PENNY FARMERImage captionPenny iyo Russell Boston

Boston waxaa ugu dambeyntii la geeyay goob dadka lagu xannaaneeyo ee Eureka oo California ku taalla dhowr sano ka hor, isagoo ka cabanaya in uusan saaxiib lahayn, cid daryeeleysana lahayn, isaga oo xogtaasi soo dhigay boggiisa Facebook.

Boston waxaa sida oo kale loo yaqaanna dilaaga waddamada dahabka ah isaga oo weerar argagixiso ka geeystay California 1970-yadii iyo 1980-yadii. Baaritaan DNA lagu sameeyey waa lagu guul darreystay oo isma lahaanin. Joseph DeAngelo oo booliska ka tirsan ayaa wuxuu aaminsan yahay dilaaga in bisha April la qabtay isaga oo lagu soo eedeyeeyey 13 qof dilkood iyo kufsi ka badan 50.

Si kastaba ha ahaatee, wakaaladda dambi baadhista Mareykanka ee FBI ayaa baaritaan xooggan ka sameeysay Belize ee dalka Guatemala, iyaga oo wareystay nin gaariga gurmadka (Ambulance) ku qaaday meydka Chris iyo Peta o badda ka soo qaaday, kaasoo haatan ku nool magaalada New York.

Sidaa oo kale waxay wareysteen Dhakhtarki baaritaanka ku sameeyey meydka labada qof oo caddeynta baaritaanka xilligaasi ka qoray, isaga oo hadda da’diisu ay 90 jir tahay, iyo sida oo kale ninkii masuulka ka ahaa dekadda Belize oo Penny aabbahed teleefanka kula hadlay.

Penny sidaa oo kale waxay Mareykanka ku booqatay wiilka Boston ee Russell. Iyada oo haweeney dhinaceeda fadhiday xilli ay diyaaradda saarneeyd weydiisay oo ay ku tiri California maxaad ka qabaneysaa, Penny waxay ku jawaabtay, “waxaan rabaa inaan la kulmo wiil arkayey nin walaalkeey dilay”.

Penny waxay tiri waxaan aad ula yaabay sida caadiga ah uu ii soo dhaweeyey Russell, isaga oo weliba noloshiisa oo dhan halis geliyey, oo aan ka cabsanin aabbihiis oo dhimirka looga jiro oo dilaa weyn ah.”

Boston wuxuu sir ahaan uu wiilkiisa Russell ugu qarsaday inuu 33 qof uu dilay. Haddii akhbaarta uu wiilkiisa ii sheegay ay run noqotana Boston wuxuu noqon doonaa dilaagi ugu weynaa ee soo mara taariikhda Mareykanka.

Xataa wuxuu isku dayay inuu Russell iyo walaalkii dilo, isla marki uu dilay Chris iyo Peta, isaga oo ku qariyey meel aan laga arki karin.”

Russell ayaa wuxuu ka warramay sida uu Chris aabbahii isaga difaacay iyo sida uu aabbihii tallaabbada aarsiga uu u qaaday ugu dambeyna uu u dilay.

Dilaa Silas Boston Silas BostonLahaanshaha sawirkaSUBMITTEDImage captionDilaa Silas Boston Silas Boston

1-da December 2016, oo ku beegneyd 14 bilood ka dib marki Penny ay Facebook ka heshay dilaaga walaalkeed oo 38 sano la raadinayey, kaasoo dilkii qarsoonaa ee ka dhacay xeebaha Guatemala ka geystay ay shaaca ka qaadday.

Boston waa la xidhay oo waxaa lagu soo oogay inuu dilay Chiris Farmer iyo Paeta Frampton.

Dhinaca kalana dambiilaha dilka labada qof loo haysto waa nin isbitaal sariirtii saaran, waa nin ay xubnahiisa iyo dareemahiisa oo dhan ay howl gabeen, wuxuuna ugu dambeyntii go’aansaday inuu rabitaankiisa uu kaga baxo isbitaalka.

24-ka Bisha April ee 2017-ka, Penny ayaa waxaa soo gaadhay war sheegayo inuu Boston dhintay.

“Penny waxay sheegtay iney isu aragtay qof la khiyaamay, waxaanna jeclaa ayey tiri in maxkamadda la soo joojiyo oo aan maxkamadda horteeda uga sheego sida qoyska annaga oo dhan uu u halakeeyey. In isaga maxkamad la soo joojiyana ay mudda sugayeen una soo samrayeen.”

“Xiritaanku waa eray aad u qurux badan, waxaan aaminsanahay in xiritaanku kaliya yimaado marka runta la ogaado. Hooyaday waa 93 jir waxay jawaab u heshay su’aalo 38 sano ay jawaab u la’eyd. Laakiin jawaab ayaad heshay macnaheedu ma ahan mar kale waxyeello laguuma geysanayo, mana hubo waxyeelladu iney intaa ku joogsaneyso” ayey tiri.

Warmurtiyeed ka soo baxay Booliska Greater Manchester ayaa waxay ku sheegeen kiisku inuu xoogaa hakad galay, balse aan weligii la laabin ilaa xaqiiqda laga salgaaro.

“Kiisaska noocan ah oo dhan markasta oo xog cusub la helo, waxaan dib ugu noqonnaa kiiska. Qoyska Farmer baaritaanka aan kiiskan ku sameeynay niyadsami ayay nooga hayaan ilaa ugu dambeynti la helay caddeeymihii mudda naga qarsoonaa.

Penny waxay qortay buug ay ugu magac dartay Geeridii biyaha, oo ay kaga warrameyso dilka loo geystay Chris iyo Peta iyo sida ay u jecleyd iney Boston ay caddaaladda hor keento. Waxayna rajeyneysay ilaa iyo daqiiqadaha ugu dambeeya iney walaalkeed ay ugu hiilliso maadaamaa uu hiil badan uu uga baahan yahay.”

Penny waxay sidaa oo kale si farxad leh u qiratay, iney qisadan tahay mid si dhab ah ugu dhacday oo aan la illaawi karin, ka sheekeynteedana ay waalli tahay, aysanna wanaagsanayn inaan laga sheekeyn, maalin maalmaha ka mid ahna ay ku rajo weyn tahay in filim laga sameyn doono.”

Balse Penny weli waxay ka shaki qabtaa iney weli sheekadu dhammaanin. Waxayna si aad ah u dooneysaa iney ogaato sababta loo xidhay kiiskan u baahan in dambiilaha uu xor ahaado ama markale la dilo.

Penny oo weli ka shaqeyneyso dabagalka kiiskan ayaa waxay rajeeyneysaa in arrintan si qoto dheer loo sii wado.

Sababta oo ah Penny waxay ogtahay oo keli ah, in dunida maanta aan joogno ay yaraatay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top