Connect with us

somalilandtoday.com

DAAWO: “Jabhadda Caarre Waxa Sameeyay KULMIYE….” Xisbiga WADDANI Oo Jabhada Caarre Ku Eedeeyay Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE

focus

DAAWO: “Jabhadda Caarre Waxa Sameeyay KULMIYE….” Xisbiga WADDANI Oo Jabhada Caarre Ku Eedeeyay Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE

(SLT-Hargeysa)-Mas’uul ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maanta la hadlay warbaahinta Hargeysa waxa uu xisbiga talada Somaliland haya ku eedeyay in uu ka danbeyey in ay dalka ka sameysanto jabhaddi. Cabdilaahi Axmed Maxamed oo xisbigaasi Waddani ka tirsan ayaa sheegay in Somaliland aanay maanta u baahneyn kala qeysanaan iyo weerarro ka dhaca guddihiisa, siyaasi Cabdilaahi waxa kale oo uu sheegay in xisbiga Kulmiye hore u diiday in la dhammeeyo arrinta korneyl Siciid Cawil Caare oo jabhad cusub kaga dhawaaqay gobolka Sanaag dhawaan.

Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey in ay quus ka taagan yihiin dadka gobolada barigu xukuumaddihii kala danbeyey ee soo maray Somaliland gaar ahaan labadii xukuumaddood ee Kulmiye, waxaanu xusay in xukuumadda xisbiga Kulmiye aanay wax siyaasad ah ka lahayn arrimaha gobolada bariga, sida jabhadda Caare – waa sida uu hadalka u dhigee.

Xisbiga Kulmiye ma jirto weli cid ka jawaabtay eedeyntani uga timid maanta xisbiga mucaardka Waddani ee ah in uu isagu ka danbeeyo jabhadda cusub ee ka dilaacday gobolka Sanaag.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top