Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxaan Qirayaa In Somaliland Tahay Meel U Daran Ninka Jecel, Tuugta Siyaasadana Daryeesha…” Jamaal Cali Xuseen

focus

“Waxaan Qirayaa In Somaliland Tahay Meel U Daran Ninka Jecel, Tuugta Siyaasadana Daryeesha…” Jamaal Cali Xuseen

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah saraakiisha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa ka hadlay xaalada daryeel la,aaneed ee soo foodsaartay Cali Sandule oo ku xannuusanaya Magaalada Hargeysa.

Jamaal Cali Xuseen oo qoraal uu kaga hadlay xaaladda Cali Sandule ku baahiyey boggiisa Facebook ayaa sheegay in guud ahaan qaranka somaliland ay ceeb ku tahay daryeel la,aanta haysata Cali Sandule.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya xaaladda Cali Sandule ayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi “Jimce Mubaarak. Qofkastoo damiir lihi wuu ka damqanayaa muuqaalkan arkay xalay ee ahaa Cali Sandule Oo xanuunsanaya. Cali Sandule waan u duceynayaa Ilaahayna caafimaad degdeg ha siiyo; waxaan qirayaa laakiin Somaliland inay tahay meel u daran qofkeeda wanaagsan ninkeeda xuna u koolkoolisa Oo tuugta siyaasadda daryeesha, qofkeeda jecelna cidla kaga dhaqaaqda; waa ayaan daro in maanta Cali Sandule ku dhex xanuunsanayo Oo aanu gargaar haysan. Kuligeen ceeb bay inagu tahay hadaan arrinkaa shicib, baayacmushteri iyo dawladiba u kicin.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top