Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Maanta La Kulmaya Hogaanka iyo Shacbiga Dawlad Deegaanka Soomaalida.

focus

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Maanta La Kulmaya Hogaanka iyo Shacbiga Dawlad Deegaanka Soomaalida.

(SLT-Addis Ababa)-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed  ayaa lagu wadaa in saakay oo Jimco ah magaalada Addis Ababa uu kula kulmo xubno ka tirsan hogaanka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ergo kor u dhaafeysa ilaa 700 oo ruux oo laga kala keenay deegaannada Ismaamulka Soomaalida.

Dadka uu maanta la shirayo Abiy Ahmed ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la dajiyay hoteellada ugu qaalisan magaalada iyadoo la filayo in ay ka wada hadlaan Abiy Ahmed xaaladihii ugu danbeeyay ee deegaanka Soomaalida, dagaalka Oromada iyo waliba arrimo la xiriira qeybsiga kheyraadka iyo Cadaallada.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dagaalka muddada dheer soo socday ee labada Qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada kaddib markii hay’addaha xuquuqul Insaanka ku cel celiyeen in deg deg ah arrimahan wax looga qabto.

Guddiga fulinta ee shacabka dimuqraadiyadda dowlad deegaanka Soomaalida ayaa maalin ka hor madaxweyne KMG ahna madaxweyne ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in hoggaanka cusub ee DDSI ay dib uga howlgalaan xarunta Jigjiga tan iyo markii ay rabshaduhu dhaceen inta badan hoggaanka dowlad deegaanka ay ku sugnaayeen magaalada Addis Abab.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top