Connect with us

somalilandtoday.com

Donal Trump oo Ka Digay Haddii Dacwad Lagu Soo Oogo Inuu Dhaqaalaha Maraykanku Hoos U Dhici Doono.

focus

Donal Trump oo Ka Digay Haddii Dacwad Lagu Soo Oogo Inuu Dhaqaalaha Maraykanku Hoos U Dhici Doono.

(SLT-Washingtong)-Madaxweyne Trump ayaa ka digay in Mareykanka uu wajihi doono burbur dhaqaale oo xoog leh haddii dacwad lagu soo oogo.

Madaxweyne Trump oo u warramayey telefishenka Fox News ayaa waxaa kale oo uu sheegay in burbur uu ku imanayo suuqyada Mareykanka, cid walbana ay sabool noqon doonto.

Trump ayaa difaacay guulaha uu soo hoyey muddada uu xilka hayey, isagoo sidoo kale sheegay inuu qabtay howl badan.

Talaadadii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii qareenki hore ee madaxweyne Trump Michael Cohen uu qirtay inuu jebiyay sharciga ololaha doorahsada, isagoo ka amar qaadanaya madaxweyne Trump, waxaana laga yabaa in maxkamad lasoo taago.

Weriyaha BBC-da uga soo warrama Washington waxaa uu soo sheegayaa in xisbiga Dimuqraadiga ee hooggaamiya dalka Mareykanka ay ka walaacsanyihiin in dacwad lagu soo oogo madaxweyne Trump, taaasi oo laga yaabo inay samaeyn ku yeelato doorashooyinka Congres-ka ee bisha November.

Dhanka kale xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Jeff Sessions ayaa sheegay in aysan u joojin doonin cadaadis siyaasadeed oo la saaro waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top