Connect with us

somalilandtoday.com

Warshad Hub Sharci Darro Ah Lagu Sameeyo Oo Laga Helay Ingiriiska

focus

Warshad Hub Sharci Darro Ah Lagu Sameeyo Oo Laga Helay Ingiriiska

(SLT-London)-Koox dambi baareyaal ah ayaa helay wax ay ku sheegeen warshad “si casri ah” u farsameysa hub sharci darro ah oo si qarsoodi ah ugu taallay goob ay warshado badan ku yaallaan.

Labo qori oo kuwa gacanta lagu qaato ah iyo rasaas ayey ciidanka ka soo heleen halkaas iyagoo xabsiga u taxaabay saddex nin oo ku sugnaa warshaddaas ku qarsooneyd xaafadda Diplocks oo ka tirsan magaalada Hailsham ee bariga Sussex.

Hay’adda la tacaasha dambiyada ee qaranka ayaa sheegtay in goobtaas laga soo qabtay qalab la rumeysan yahay in uu ahaa mid lagu farsameeyo hubka, oo xitaa loo adeegsan karo in lagu soo saaro hub culus oo saameyn xun geysan kara.

Saddexda nin ee la soo xiray ayaa baaritaanno lagu sameyn doonaa ilaa 17-ka bisha Siteembar, ka hor inta aan lagu qaadin dacwado la xiriira sameynta iyo heysashada hub sharci darro ah.

Dambi baareyaasha ayaa warshaddaas arkay Sabtidii xilli ay tageen dhismahaas oo lagu qabanayay siminaar loogu tala galay injineerro.

Baarayaashu waxay kaloo halkaa ugu tageen hub iyo rasaasLahaanshaha sawirkaNCAImage captionBaarayaashu waxay kaloo halkaa ugu tageen hub iyo rasaas

Saraakiisha hay’adda NCA ayaa sheegay in ciidanka howlgalkaas fuliyay ay awood u adeegsadeen soo qabashada raggaas oo mid ka mid ah uu ka madax adeygay in la xiro.

Dhismahaas ayaa horay loogu diiwaan geliyay in uu yahay xarun ganacsi oo lagu iibiyo qeyb ka mid ah qalabka gaadiidka.

Hase yeeshee ciidanka goobtaas gaaray ayaa ugu tagay kaliya qalabka mashiinnada ah ee loogu tala galay in hubka lagu farsameeyo iyo hub la soo saaray.

Qalabkaas ayaa sida la sheegay awood u leh inuu soo saaro ilaa 30 qori oo kuwa gacanta lagu qaato ah, kuwaasoo la rumeysan yahay in loo adeegsan lahaa fal dambiyeedyo.

NCA ayaa intaas ku dartay in goobta laga helay qoryo dhowr ah oo ay wali ku socotay farsameynta balse aan dhammeystirneyn.

Waxaa hubka laga helay duleedka HailshamLahaanshaha sawirkaJESSUP/MITCHELLImage captionWaxaa hubka laga helay duleedka Hailsham

Rob Hickinbottom, oo ah madaxa waaxda xakameynta hubka ee hay’adda la tacaalidda dambiyada ee NCA ayaa yiri “Waxaan ka shakisannahay in howshaan ay ku jireen dad u muuqda in ay sameynayaan hub sharci darro ah oo dambiyo lagu geysto.

Tallaabadan aan qaadnay waxaan uga hor tagnay in hub fara badan oo saameyn leh lagu soo daayo suuqa madow, isla markaana uu gacanta u galo dambiileyaasha”.

Garsoorka maxkamadda ayaa Isniintii oggolaaday in booliska ay gacanta ku sii hayaan saddexda nin oo lagu kala magacaabo Greg Akehurst oo 29 jir ah, Mark Kinman oo 63 jir ah iyo Bramwell Mews oo 30 sano jir ah.

Raggan ayaa lagu wadaa in ay 17-ka bisha soo socota ee Siteembar mar kale ka soo hor muuqdaan maxkamadda Kingston-upon-Thames Crown Court.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top