Connect with us

somalilandtoday.com

Halkee Ayay Ku Dambayn Doontaa Baadhistii Musuq-Maasuqa Ee Ay Bilaabeen Xildhibaannada Golaha Wakiilladu??

Naasir Cali Shire

focus

Halkee Ayay Ku Dambayn Doontaa Baadhistii Musuq-Maasuqa Ee Ay Bilaabeen Xildhibaannada Golaha Wakiilladu??

(SLT-Hargeysa)-Guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada ayaa soo bandhigay warbixin ka hadlaysa eedaymo musuq-maasuq oo dhacay cahdigii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, taasi oo buuq iyo khilaaf ka dhex abuurtay Xildhibaannada golaha wakiillada, guddiga warbixinta soo bandhigay ee ilaalinta hantida qaranka iyo shir guddoonka golaha wakiillada oo uu hor-mood u yahay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax.

Naasir Cali Shire

Khilaafka ay warbixintani  abuurtay ayaa sabab u noqday in xilka laga caydhiyo guddoomiyihii guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranka Xildhibaan Naasir Cali Shire oo isagu horjooge u ahaa Xildhibbaanad waday baadhitaanka musuq-maasuq iyo wax is-daba marin ay sheegeen inay dhacday intii u dhaxaysay sannadkii 2016 illaa 2017.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyihii hore ee guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranka oo hadalo weerar iyo weerar celin ah isku dhaafsaday warbaahinta maxaliga ah.

Dadka qaar ayaa aaminsan in guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranku ay beegsanayaan shakhsiyaad gaar ah oo diiradda u saaran xukuumadda wakhtigan ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kana tirsanaa xukuumadii hore ee wakhtigeedu dhammaaday, taasi oo uu Xildhibaan Naasir Cali Shire  laftigiisu qiray mar uu waraysi siinayay HCTV sheegayna in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay gacan ka siisay inay baadhitaan ku sameeyaan Musuq-maasuq uu sheegay in uu dhacay wakhtigii xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Guud ahaan dadka reer Somaliland mucaarid iyo muxaafid-ba intooda badan waxa ay soo dhaweeyeen in la sameeyo baadhitaan musuq-maasuq walow ay jiraan dad dhaliilay qaabka ay warbixinta u soo bandhigeen Xildhibaannadii waday.

Si kastaba ha ahaatee bulshada reer Somaliland ayaa waxa ay is weydiinayaan halka ay ku dambayn doonto hawshii ay wadeen guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilladu, ma sii socon doontaa mise halkaa ayay ku istaagi doontaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top